War Deg Deg Ah:-Madaxweynihii Hore Ee Dalka Zimbabawe Robert Mugabe oo dhintay

0
Friday September 06, 2019 - 11:38:02 in by salman abdi
  • Visits: 321
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:-Madaxweynihii Hore Ee Dalka Zimbabawe Robert Mugabe oo dhintay

    War Deg Deg Ah:-Madaxweynihii Hore Ee Dalka Zimbabawe Robert Mugabe oo dhintay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Deg Deg Ah:-Madaxweynihii Hore Ee Dalka Zimbabawe Robert Mugabe oo dhintay

Robert Mugabe, wuxuu ahaa 95 sano jir, wuxuuna xilka wareejiyay sannad ka hor.

Wuxuu u dhintay xannuun muddo hayay, sida ay qoyskiisa BBC u xaqiijiyeen.

Mr Mugabe waxaa xilka looga qaaday afgembi militari bishii November ee sannadkii 2017-kii, taas oo soo afjartay xukunkiisii socday in ka badan 30 sano.

Wasiirka waxbarashada Zimbabawe Fadzayi Mahere ayaa Twitter-ka ku qoray "nabad ku naso Robert Mugabe."

Wuxuu dhashay 21-kii February 1924, xilligaas oo Zimbabawe loo garanayay Rhodesia.

Wuxuu xabsi ku jiray in ka badan 10 sano ka dib markii uu eedeeyay dowladdii Gumeystaha ee Rhodesia, sannadkii 1964-tii.

Sannadkii 1973, isagoo xabsi ku jira ayaa loo doortay madaxweynaha xisbiga Zanu ee Zimbabawe kaas oo uu ka mid ahaa aasaasayaashiisa.

Sooyaalka Mugabe oo kooban

  • 1924 ayuu Dhashay
  • 1964: waxaa xabsi galiyay dowladdii gumeysiga ee Rhodesian
  • 1980: Wuxuu ku guuleystay doorashooyinkii dhacay xornimada ka dib
  • 1996: Wuxuu guursaday Grace Marufu
  • 2000: Wuxuu ku guuldaraystay afti, kadib ciidamo taabacsan ayaa weeraray beeraha caddaanka.
  • 2008: Kaalinta labaad ayuu galay doorashooyinkii guud ee dhacay
  • 2017: Waxaa xilkii ka qaaday madaxweyne ku xigeenkiisii Emmerson Mnangagwa iyo militariga