Ra'iisal wasaare Kheyre oo kulamo ka degmada Xudur ee gobolka Bakool

0
Wednesday September 11, 2019 - 13:17:16 in by salman abdi
  • Visits: 372
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisal wasaare Kheyre oo kulamo ka degmada Xudur ee gobolka Bakool

    Ra'iisal wasaare Kheyre oo kulamo ka degmada Xudur ee gobolka Bakool

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisal wasaare Kheyre oo kulamo ka degmada Xudur ee gobolka Bakool

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo uu wehlinayo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed Lafta Gareen ayaa kulan ayaa kulamo ka wada degmada Xudur ee gobolka Bakool oo maalintii shalay uu gaaray.

 

 

Ra’iisal wasaaraha ayaa kulan la qaatay guddoomiyayaasha degmooyinka gobolka Bakool, Odayaasha dhaqanka, Waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan-gobolka oo ay ka wada hadleen arrimaha nabad-galyada.

 

Maamulka degmada Xudur iyo odayaasha ayaa ayaa ka dalbaday ra’iisal wasaaraha in lagu gacan siiyo dardargalinta dib u xoreynta deegaannada hoos-yimada degmada iyo sidii loo tayeyn lahaa xarumaha waxbarashada, caafimaadka,shaqo, dhalinyarada iyo sidii looga qeyb qaadan lahaa adeegyada hormarineed ee guud ahaan gobolka.

Ra’iisal Wasaare Kheyre ayaa balan qaaday in ay wax ka qaban doonaan guud ahaan hormarinta adeegyada bulshada, waxaana uu sheegay in muhiimada koowaad la siiyo sidii looga shaqayn lahaa Amniga Gobolka Bakool kan dowlad ahaan ay wax ka qaban doonaan tayeynta ciidanka xooga dalka ee gobolka ku sugan.

Kheyre ayaa ugu danbeyntii ayaa dhinacyadii uu la kulmay kula dardaarmay in ay xoojiyaan hanashada amaanka gobolka si dadka ku nool ay nabad ugu wada noolaadaan.