Isbitalka Borama Oo la Keenay Gabadh Yar Dhaawacyo Halis ah kasooGaadhay Miino kula Qaraxday Lughaya.

0
Thursday September 12, 2019 - 12:13:22 in by salman abdi
  • Visits: 345
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Isbitalka Borama Oo la Keenay Gabadh Yar Dhaawacyo Halis ah kasooGaadhay Miino kula Qaraxday Lughaya.

    Isbitalka Borama Oo la Keenay Gabadh Yar Dhaawacyo Halis ah kasooGaadhay Miino kula Qaraxday Lughaya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isbitalka Borama Oo la Keenay Gabadh Yar Dhaawacyo Halis ah kasooGaadhay Miino kula Qaraxday Lughaya.

cisbitaalka guud ee Boorama la keenay gabadh yar oo la il-dharan dhaawacyo ka soo gaadhay walax aan la garanayn oo ku qaraxday, mar ay ku sugnayd degaanka Afar Haadka oo 7km u jirta degaanka Riiga Kalawle ee degmada Lughaya.

Waxa cisbitaalka guud ee Boorama la keenay gabadh yar oo la il-dharan dhaawacyo ka soo gaadhay walax aan la garanayn oo ku qaraxday, mar ay ku sugnayd degaanka Afar Haadka oo 7km u jirta degaanka Riiga Kalawle ee degmada Lughaya.

Gabadhan yar oo Marwo Cabdilaahi Yuusuf Bulaale oo ay da’deedu tahay 9 jir, ayaa xoolo la joogtay markii ay walaxdan aan la garanayn ku qaraxday sida ay sheegeen eheladeedu

 

Axmed Yuusuf Bulaale oo gabadha adeer ah u ah isla markaana keenay cisbitaalka Boorama ayaa ka dayriyay xaalada gabadha yar mar uu shabakada la xiidhay

"Dhaawaca ugu xoogan waa labada gacmood inta ka hoosaysa xusulada oo baaba’ay il loo malaynayo inay dhimatay iyo dhaawacyo kale oo wajiga ah”

 
Axmed ayaa sidoo kale faalo ka bixiyay sida ay wax u dhaceen waxan auu yidhi "Gabadha yar walax anaay garanayn oo ay ku ciyaaraysay ayaa ku qaraxday, ma aqaan waxa ay tahay, balse waxa aan u malaynayaa hadhaagii miinooyinka wali dhulka ku duugan oo ay daadadku soo saareen”


5tii sano ee u dambaysay gabadhan ayaa noqonaysa qofkii afaraad ee waxyeelo ka soo gaadhay miinooyinka ku duugan isla deegaankaasi Afar Haadka ee ka tirsan degmada Lughaya, kuwaas oo kala ah wiil ku dhintay iyo 2 gabdhood oo kale oo ku dhaawacmay.

 
Ma jiraan hayadaha ku shaqada leh miino-baadha oo degaankaas ka hawl-gala, marka laga reebo in marka ay maqlaan waxyeelo ka dhalatay ay halkaas tagaan oo ay calaamadeeyaan meelo gaar ah, kadibna ay ka tagaan iyaga oo aad moodo inuu qorshahoodu yahay inay dib u soo laabtaan marka ay waxyeelo kale dhacan deegaankaasi.