''Guuloow Waa Mahadaa '' Hadaad Ku Faraxday

0
Thursday September 12, 2019 - 12:36:00 in by salman abdi
  • Visits: 4203
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ''Guuloow Waa Mahadaa '' Hadaad Ku Faraxday

    ''Guuloow Waa Mahadaa '' Hadaad Ku Faraxday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

''Guuloow Waa Mahadaa '' Hadaad Ku Faraxday

Maalin Maalmaha Kamida waxaa la iisheegay inay joogto xaafad kamida xaafadaha magaalada burco ilma yar oo jirtay dhawr bilood oo Qaarka Danbe Fiix Biyood Weyn oo ay Ku dhalatay kaga taalo dhawr casho oo aan raadinaayay ugu danbayntii waan helay xaafadii ilmaha yari joogtay

subax ayaan ubaqoolay dhankii xaafadii ilamaha yari joogtay waxaa iwehelisay xalimo oo ahayd shaqsi sifiican xaafada ugaranaysay ilaa 35mini oo aanu usoconay xaafadii ayaanu gaadhnay Markii albaabkii nalaga furay Markiiba Waxay indhahaygu Qabteen Hooyo Mooraal Jabsan oo ilmo yar Caw Daarada dhexdeeda taala Ku haysa Waxay Ku babinaysaa waraaq ay dukhsiga kaga ilaalinayso ilmaha yarina wuxuu ujiifaa beerka,

Waanu Salaanay aniga iyo Xaliimo oo ahayd shakhsigii Xaafada sida fiican iisoo tusay,iyadoo Mooraal jabsan ayay tidhi Calaykuma Salaam waanu iska fiicanahay, intaa Ka dib Waxaa is badalay Moraalkaygii anagoo Dareenay Xanuunka ilmaha haya iyo Duruufta hooyada Haysa.

waan Ku Soo dhawaaday Waxaan Waydiiyay Su aal ahayd Hooyo ilamahan aabihii Dhalay Meeyay? Waxay iigu Jawaabtay Hooyo anoo uurkeeda leh ayaa noogu Danbaysay Dibna umaanan arag inuu noolyahay iyo inuu dhintay waxaa laygu qalay Cisbitaalka weyn ee burco
Markii danbana Dhakhaatiirdu waxay iisheegen inan halkan waxba lagaga qaban karayn ilmaha oo ay Dhakhtar dibadeed ubaahantahay ana waan soo qaadayoo halkan ayaan iska soo dhigay wax aduunana umahayo maalinba maalinta ka danbaysana wuu sii weynaanayaa waxan ilmaha Qaarka Danbe ilaahay ka saaray,

hadalkii markii ay dhamaysay ayaan ku idhi hooyo wax walba waa Qoraal ilaahay ayaana wax walba awooda waanu uducaynaynaaye ilahay Faraj Caafimaad Hasiiyo,adigana qalbiga Hakuu dajiyo,insha allah ayay tidhi,

Xaliimo oo mooraalkeedu badalanyahay ayaa tidhi Video maka duubnaa iminka,haa hooyo ayay Ku tidhi,videogii ayaan ka duubay Ka dibna waan baahiyay dadaal badan ka dib walaalo aanan Halkan qiimahooda qofnimo aanan qoraal kusoo goobikarin ayaa ka damqaday oo ilmahaas soocaawiyay oo Lacago usoo ururiyay halka qaarna si toosa ugu soo direen,

20 cisho markay kasoo wareegtay Waxaa habeenkii danbe isoo wacay inan somali ah oo jarmal jooga wuxuuna iishegay inay niciima yar caawinayaan islamarkaana bixinayaan kharashka turki lagu gaynaayo halkaana lagu qalaayo oo lagu daawaynaayo

dhawr cisho oo kale kadib waxaa nala soo xidhiidhay dhakhtar ku yaala hargaysa oo lagu magacaabo national hospital wuxuuna noo sheegay inuu fulin karo qalinkaas Go aan ay qaadatay hooyadii ilmaha dhashay ka dib waxay go aansatay in loo qaado hargaysa qaliinka uu sameeyo dhakhtarkaa lagu magacabo national hospital

niciima yar hargaysa ayaa loo qaaday lix casho oo kale markii hargaysa niciima yar lagu hayay oo loo diyaarinaayay qalinkii subaxii danbe waa la qalay waxaana laga jaray wixii Cuslaa ee qaarka danbe ka saarnaa qaliinkiina waa lagu Guulaysday

Niciima yar 2bilood oo lagu hayay dhakhtarka national hospital iyo xaafad ku dhoow' ugu danbayn way kasoo baxeen hargaysa niciima yar oo caafimaad qabta sadex casho ka hor waxay yimaadeen gurigoodii ku yaalay Burco

maanta ayaan ku booqday Xaafadii iyagoo farxadooda aan la qiyaasi karin
niciima yar way soconaysa wayna fadhisanaysa wayna ciyaaraysa dhan walbana way useexanaysa iminka


Image may contain: 2 people, people sitting
Image may contain: one or more people and people sitting
Image may contain: 1 person, standing, child and outdoor
Image may contain: one or more people, people standing, shoes and outdoor

Qoraa Samafale Mahad Soomane