Jacayl iyo Daacadnimo ay isku qabeen awgeed waxay galisay Cabsi ah in Midkood uu kan kale ka hor dhint

0
Wednesday March 05, 2014 - 07:41:19 in by Super Admin
  • Visits: 3216
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jacayl iyo Daacadnimo ay isku qabeen awgeed waxay galisay Cabsi ah in Midkood uu kan kale ka hor dhint

    Jacayl iyo Daacadnimo ay isku qabeen waxay galisay Cabsi ah in Midkood uu kan kale ka hor dhinto, ka dibna ay sidaas ku kala fogaadaan, arrintaas oo Labadoodaba ku riixday inay mar qudha Sun wada cabaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jacayl iyo Daacadnimo ay isku qabeen waxay galisay Cabsi ah in Midkood uu kan kale ka hor dhinto, ka dibna ay sidaas ku kala fogaadaan, arrintaas oo Labadoodaba ku riixday inay mar qudha Sun wada cabaan

Jacayl iyo Daacadnimo ay isku qabeen waxay galisay Cabsi ah in Midkood uu kan kale ka hor dhinto, ka dibna ay sidaas ku kala fogaadaan, arrintaas oo Labadoodaba ku riixday inay mar qudha Sun wada cabaan oo ay wada dhintaan, 46 Sano oo ay is qabeen ka dib Baadhis ay Boolisku sameeyen ayaa lagu ogaaday in Rafa’il oo 69 jir ah iyo Xaaskiisa Tamar Altman oo 72 jir ah ay si iskood ah u go’aansadeen inay Sun Cabaan, oo ay wada dhintaan. Waxayna Habeenkii geeridooda qoreen hal Erey oo ahaa "Bixitaan”.

 

 

Lamaanahan ayaa waxay ka wada cabanayeen Xaalad Caafimaad daro, Habeenkii ay is dilayeenna waxay damiyeen Laydhka Gurigooda, waxayna shiteen Cajalad Miyuusik ah, iyagoo Qolkooda ku jira oo Gacmaha is haysta ayaanay Geeriyoodeen.

 

 

Muuqaal yaab leh oo is jeclaani ka muuqto ayaa Meydkooda lagu arkay, sida looga soo xigtay Dadkii Guriga galay ee soo ogaaday arrinta Lamaanahan ay ku keceen.

 

 

Tay Altaman oo Lamaanahan ay dhaleen, Da’diisuna tahay 43 jir ayaa sheegay inuu ogaa in Waalidkiis ay Geeri wada jir ah dooranayaan, maxaa yeelay Kansar Heerkiisii ugu dambeeyay gaadhay ayaa Aabihii hayay, Hooyadina waxay Odhanaysay Rafa’il la’aantiis il Bidhqsi Qudha ma noolan karo


 

 

Wuxuu Wiilku Sheegay "Laba Maalmood ayaan ku dheheynay Nabadgaliyo. Wax kasta oo aan odhan karaynay. Anigu waxaanu sheegay inay ahaayeen Laba Waalid oo aad u wanaagsan, oo aan anna doonayo inaan Wanaagii aan iyaga ka bartaan Ilmahayga sii baro”.







Afkashacabka.com
Sirta Nolosha