Aniga iyo Naftayda ha naloo garnaqo! WQ: Bashiir Raacdeye

0
Saturday October 18, 2014 - 10:30:18 in by salman abdi
  • Visits: 1199
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aniga iyo Naftayda ha naloo garnaqo! WQ: Bashiir Raacdeye

    Beryahan aniga iyo naftayda ayay naga dhextaagan tahay.kacdoon iyo mudaharaad rabshada wata ayay naftii igu bilawday......

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Beryahan aniga iyo naftayda ayay naga dhextaagan tahay.kacdoon iyo mudaharaad rabshada wata ayay naftii igu bilawday......

Aniga iyo Naftayda ha naloo garnaqo! WQ: Bashiir Raacdeye

Beryahan aniga iyo naftayda ayay naga dhextaagan tahay.kacdoon iyo mudaharaad rabshada wata ayay naftii igu bilawday.ciidanka booliska oo wata suntan dadka kaga ilmaysiisa iyo biyo ay booyadu tuurayaan ayaan udiray si ay mudaharaadkan ay naftu waddo u kala didiyaan balse waxba ka tari waaye.waxa intaas ka daran, shir jaraa’iid ayay naftaydu maalinkasta qabata oo warbaahinta dunida laga daawada lagana akhristaa.warbaahinta naftayda waraysata ee waxka tebiya kacdoonka naftaydu ay maleegayso waan xayiray oo al-baabada ayaan u laabay haddana habeenkasta waraysiga naftaydu ay warbaahinta u dirto si toos ah ayaa meelkasta looga daawada ama laga akhrista.

Sasabo iyo sabaalayn ku dayay.sida caruurta ugu heesay.heesaha sasabada haddaba mid ugu luuqeeyay haddana, naftaydu khayriyadda iyo laamiyada ayay kacdoonkeedii iyo mudaharaadkeeda ay ka waddo anna ku guuldaraystay inaan kala didiyo.

buskud iyo macmacaan ay jeclayd caruurnimadi u keenay si ayrabshadaha iiga joojiso ,uga sii dare.caruursado iyo jaaglaydh dukaankii cali dhaqdhaqaajiye uga soo gaday oo ku sasabay.uga sii dare.

mudaharaadadi ay naftaydu igu hurinaysay waxay gaadheen dhammaan xubnaha jidhka marka laga reebo laba xubnood oo kala ah: beerka iyo maskaxda , hadday kacdoonadu labadaa xubnood gaadhaan ,dawladaydu way dhacaysa taasna ma jecli.mudaharaadadan iyo kacdoonkani waxay igu abuureen;ladh iyo ciil,calool-hur iyo werwer,soojeed iyo feker.

ganacsigii jidhkaygu hoos ayuu u dhacay. ganacsatada jidhkaygana khasaare badan ayaa soo gaadhay .sarifka lacagaha ee jidhkaygu kor ayuu u kacay.danyartii jidhkayga dhib badan ayaa soo gaadhay balse naftaydu aniga ayay igu eedaynaysaa dhibkasta oo ka dhaca jidhkayga.gooshi-taankii xubnaha jidhkaygu hoos ayuu dhacay nabadgelyo xuma awgeed oo ka jirta jidhkayga taas naftayda ayay sabab u ah.maciishadii kor ayay u kacday.jidhkaygii oo dhan fawdo iyo kacdoon ayaa gaadhay.kacdoonadan iyo rabashadahani inta badan waxay ku badan yihiin xubinta "cas” ee loo yaqaan (wadnaha) oo ah xubin hal-bawle u ah jidhkayga dhankasta.

 

laba gu’ ka hor, ayay xubintan kacdoono ka dillaaceen,balse markii dambe is-afgarad ayaanu ku dhamaynay waxkasta hadda se xaalku waa cakiran yahay.

wax yaabaha ay naftaydu ku dhawaaqayso waxa ka mid ah "waa in aynu sucuudiga xidhiidh lay samaynaa haddii la waayo xidhiidhkaas,waa in aynu reer yurub iyo maraykan-ka safaaradeheenii dib uga furanaa!.waa inaynu xidhiidh wacan la samaynaa bulshada reer burco!. waa in aynu xidhiidh wacan la samaynaa bulshada reer hargaysa iyo weedho kale oo badan”.

waan ka yaabay naftayda!.waayo wax yaabo aan suurto gal ahayn ayay dalbanaysaa,taas waxa igaga sii daran naftaydu hadaf ma leh,waayo marba wax ayay dalbanaysaa,marba meel ayay xiisaynaysaa.mar reer yurub la heshii ayay i leedehay marna way ii diidaysa oo burco maxaad ula heshiin wayday ayay igu amraysaa haddaan diidana,kacdoon ayay igu kicinaysaa!.

Kacdoonkanad iyo mudaharaadkan ay naftaydu hurinayso,marmar xiise ayay isu bedelayaan marna dhab ayay noqonayaa.waxa hadda igu batay oo aniga naftayda dabka naga dhex hurinaya ama si hurinaya xaaladda cakiran ee naga dhex holcaysa aniga naftayda awoodo debedda ah laakiin dunida aan saamayn ku lahayn,balse dan ayay leeyihiin, qaarkood aniga ayay naf isoo bideen anna taydii ayaan maarayn kari waayay.

Un-ku gacmaha ayay la ka laabteen waxa jidhkayga ka dhacay.maraykan kuna wuu ka aamusay.afrikana nafteedi ayaa cuslaysay!. Aniga iyo naftayda ha naloo garnaqo!.





Qore;bashiir raacdeeye

Raacdeeyee.1@gmail.com

Burco,somaliland