Waan Is Dilaya!!!! Sheeko Xiiso Badan By?Asporo

0
Saturday October 18, 2014 - 11:38:31 in by salman abdi
  • Visits: 1271
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waan Is Dilaya!!!! Sheeko Xiiso Badan By?Asporo

    Oday Wiilka yar u yimi aya waydiiyey Sabata, Wiilkii wuxuu ku jawaabay waxaan isku Dilayaa arrin Qoyskayga ah oo aan Xal u waayey,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Oday Wiilka yar u yimi aya waydiiyey Sabata, Wiilkii wuxuu ku jawaabay waxaan isku Dilayaa arrin Qoyskayga ah oo aan Xal u waayey,

Sheeko Xiiso Badan!!

Nin dhalinyaro ah ayaa waxa uu damcay inuu is Dilo, dabadeed-na intaanu is Dillin ayaa waxa u yimid Oday, markaa Odaygii ayaa waydiiyey Addeer maxaad isku Dilaysaa.?

Wiilkii wuxuu ku jawaabay waxaan isku Dilayaa arrin Qoyskayga ah oo aan Xal u waayey, halkaas markay marayso ayuu Odaygii ku soo laabtay hadalkii, dabadeedna waxa uu yidhi "Addeer ii sheeg adduunka waxaan Xal loo helayni ma jiraanne, waa intaasaan xal u helaa maadaama aan kaa waynahaye.

Wiilkii Dhalinyaradda ahaa waxa uu ku bilaabay Sheekadiisa Sidan"Addeer Islaan-baan Guursaday gabadh gashaati ah wadata, Aabbahayna Guurka wuu iga aqbalay, markaan Islaantii Guursaduu Aabbahay-na gabadheedii yarayd ayuu Guursaday.! YAAB.

Gabadhii xaaskaygu dhashay ee Gabadhayda ahayd-baa waxay ii noqotay Eeddo ileen Aabbahay-baa Qabee, Xaaskaygii-baa Aabbahay soddoh u noqotay ilee Gabadheedii ayuu qabaaye, aabbahay-baa mar sodog u noqonaya ileen annuu I dhalaye, Wiilkaygiibaa Aabbahay seedi u noqon ileen Walaashii ayuu qabaaye, Aabbahay-baa Awoowe u noqon ileen Anigaa dhalaye, mar Wiilkaygii-baa walaalkay abti u noqon ileen Walaashii-baa dhashee, marna asagaa adeer loo noqon, Walaashii-baa Wiilkaygii ayeeyo u noqon ileen Awoowgii-baa qabee, marna waa la dhalatay, Xaaskaygii-baa aniga ayeeyo ii noqon ileen Walaalkay bay Ayeeyo u tahoo Anna la mid-baan ahay, Walaalkay-baan mar Awoowe u noqon ileen Ayeeydii-baan qabaaye, Intaa markuu marinaayo ayuu Odaygii Wiilkii yaraa ku yidhi Addeer waan wareerree Bisinka Inoo qabo Aan Is-wada Dilneee......

By: Abdiqani Asporo