Dab Goor Dhoweyd ka kacay Qolka Wararka ee Radio Hargeysa iyo W/kuxigenka Warfaafinta oo ka hadlay

0
Saturday October 18, 2014 - 13:24:54 in by salman abdi
  • Visits: 847
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dab Goor Dhoweyd ka kacay Qolka Wararka ee Radio Hargeysa iyo W/kuxigenka Warfaafinta oo ka hadlay

    Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Somaliland Md. Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan ayaa ka hadlay dab kooban oo ka maanta ka kacay mid ka mida StuudiyaashaIdaacada Radio hargaysa,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Somaliland Md. Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan ayaa ka hadlay dab kooban oo ka maanta ka kacay mid ka mida StuudiyaashaIdaacada Radio hargaysa,

 isagoo sheegay inaanu jirin haba yaraatee wax khasaare ah oo uu dabkaasi dhaliyey.

Wasiir ku xigeenka oo warbaahinta la hadlay ayaa yidhi sidan" Waxa dhacay oo uu maanta dab yar ka kacay Stuudiyaasha Radio hargaysa saacadu markay ahayd sagaalkii iyo badhkii 09:30 Am subaxnimo, ILAHAY baa mahad leh, isla markiiba wa lagu guulaystay bakhtiitiisa.”

" waxaanu filaynayaa inuu kiciyey shoodh kacay, wax khasaare ahina kamuu dhicin, qalabkii meesha yaalay iyo wax alaale wixii cajalado ahaa, kuraastii, iyo miisaskiiba way ka badbaadeen dabkaasina, wax daqiiqado ay ayuu ahaa, qiiq ayuubaa kacay, xitaa olal kama dhalan si wanaagsan ayaa naloogu soo gurmaday, waxaan u mahad celinayaa dhamaan shaqaalaha kala duwan iyo Ingineerada ee Wasaarada warfaafinta, waxa kale oo aan u mahad celinayaa dawlada hoose oo dabdamiska noo soo dirtay.” Ayuu yidhi Wasiir ku Xigeenka Warfaafinta Somaliland Mudane Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan.

Contact@afkashacabka.com