Gacan ku dhiiglayaashi Dilay Saraakishi Qorlugud oo Xukuno Dil ah lagu Xukumay .

0
Saturday October 18, 2014 - 18:36:20 in by Burco Office
  • Visits: 1074
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gacan ku dhiiglayaashi Dilay Saraakishi Qorlugud oo Xukuno Dil ah lagu Xukumay .

    Maxkamadda Ciidanka Qaranka Darajada Koowaad ee Goboladda Galbeedka Somaliland ayaa maanta.....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamadda Ciidanka Qaranka Darajada Koowaad ee Goboladda Galbeedka Somaliland ayaa maanta.....

 xukun Dil ah iyo xabsiyo dhaadheer ku riday Askarigii gacan ku dhiiglaha ahaa ee Dilka toogashada ah ku fuliyey labadii Sarkaal ee Saldhiga Ciidanka qaranka Qorulugud, halka shan Askari oo ku gacansiiyey gacan ku dhiiglaha ay ku riday Xabsiyo dhaadheer.


Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidanka Qaranka Somaliland ee Darajada Koowaad ee Goboladda Galbeedka Somaliland Gaashaanle Sare Yuusuf Faarax Sharmarke oo goor dhaweyd ku dhawaaqay Xukunka Danbiilayaashaas ayaa sheegay Xukunada ay Rideen, kuwaas oo kala ahaa sidan:-

1. Gacan ku dhiigle Faarax Maxamed Ismaaciil waxay ku xukuntay Dil

2. Laba Xadhigle Carraale Muuse Cabdi oo lahaa Heeganka Xerada Dilku ka dhacay Toddoba sano oo xadhig milatari ah.

3. Dable Cabdi Cawal Maxamed oo ahaa kamaan-boostihii waardiyaha ahaa siddeed sano oo xadhig Milatari ah


4. Dable Faarax C/laahi Maxamed oo ahaa Askarigii qorigiisa Dilka lagu fuliyey shan iyo toban sano oo xabsi Milatari ah


5. Dable Khadar Xasan Ismaaciil waa Askarigii silsilada ka furay gacan ku dhiiglaha oo maxbuus ahaa ka hor intaanu Dilka geysan waxaana lagu xukumay Toban Sano oo Xabsi Milatari ah Hase yeeshee waxa ay Maxkamadda Ciidanku xorriyadiisa u celisay Dable Khadar Axmed Cawil kadib markii Danbi lagu caddeyn waayey, halka Gacan ku dhiiglaha oo maqan ay kaga xukuntay Dil.





Xigasho: Farriin.com