"Sannad Kasta Yaynaan Cabane Madaxweynaha Waxaynu Odhanaynaa Waa Mujahidiinti SNM Ee Mashruucan U Maal Gali". Guddoomiye Muuse Biixi

0
Saturday October 18, 2014 - 22:25:50 in by salman abdi
  • Visits: 889
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Sannad Kasta Yaynaan Cabane Madaxweynaha Waxaynu Odhanaynaa Waa Mujahidiinti SNM Ee Mashruucan U Maal Gali". Guddoomiye Muuse Biixi

    Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muj : Muuse Biixi Cabdi oo khudbad ka jeediyay Xuskii maalinta shuhadada SNM, oo lagu qabtay beerta xoriyada wuxuu baaq u diray Mujahidiinti dalka xoreeyay iyo agoomihi iyo naafadi ay ka tageen, isagoo ugu baaqay inay qor

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muj : Muuse Biixi Cabdi oo khudbad ka jeediyay Xuskii maalinta shuhadada SNM, oo lagu qabtay beerta xoriyada wuxuu baaq u diray Mujahidiinti dalka xoreeyay iyo agoomihi iyo naafadi ay ka tageen, isagoo ugu baaqay inay qorshe la yimadaan wixii ka qabyo ahna saxdaan oo aanay sanadood kasta caban. Sidoo kale Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE wuxuu ka dhawaajiyay in laga dhabeeyo oo la qoro taariikhdiisa ururkii SNM.


"Inanti halkan ka heesay say waxay tidhi Madaxweyne waa Mujahidiinti ee dhankooda soo eeg, waxaan ka dhigi laha hadaan ogahay markii la samaynaayay, Madaxweyne waa Mujahidiinti ee Mashruucan u maal gali. Waxaan soo jeedinaya in aynaan caban, ee tallo iskula noqono oo fekerado abuurno wax laynagula qabto. Midna waan leeyahay SNM maha inay noqoto dabaqada bulshada ugu hoseysa. ” Sidaa waxaa yidhi Guddoomiyaha KULMIYE.


Gebo gebadii wuxuu soo jeediyey Muj : Muuse Biixi Cabdi in la qoro oo la sameeya meelo lagu kaydiyo tariikhdi dalka losoo maray. ” Waxaan Leeyahay in SNM Manhajkeedi la qoro oo jiilasha danbe aanay ka lumin yaanay noqonin wax gubaabo iyo hadal uun ah ee aynu ka dhabayno”.


Contact@afkashacabka.com