Xiisad ka taaggan degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan

0
Tuesday October 08, 2019 - 13:00:12 in by salman abdi
  • Visits: 447
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xiisad ka taaggan degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan

    Xiisad ka taaggan degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiisad ka taaggan degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan

Wararka naga soo gaaraya degmada Buula-burte ee gobolka HIiraan ayaa sheegaya in saakay halkaa ay ka jirto xiisad ka dhalatay xil ka qaadis lagu sameeyay guddoomiyihii iyo Duqii degmada Buula-burte.

 

 

Guddoomiyaha xilka laga qaaday Cabdicasiis Duuroow iyo guddoomiyaha sida KMG loogu magacaabay Liibaan Cabdi Burisoow ayaa la sheegay in ay isku hayaan maamulka degmada iyadoo labada mas’uulba saakay lagu arkay xafiiska xarunta maamulka degmada.

 

Cabdicasiis Duuroow ayaa sheegay in uusan ka warheyn wax xil ka qaadis ah oo lagu sameeyay, sidaa daraadeed uu sii wadanayo howlihii maamulka degmada, laakiin waxaa lagu waramayaa in uu arintaa ka biyo diiday guddoomiyaha sida KMG loo magacaabay.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Wasaaradda Arrimaha Gudaha maamulka Hirshabeelle oo xil ka qaadista ku sameysay mas’uuliyintii maamulka degmada.