"Siillaayo Oo Biixi Ka Horeeyey Jabhadihii Waber Iyo SSC Wuu Saamaxay, Waliba Xilal Iyo Lacagna Wuu Iskugu Daray"

0
Saturday October 12, 2019 - 11:09:49 in by salman abdi
  • Visits: 359
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Siillaayo Oo Biixi Ka Horeeyey Jabhadihii Waber Iyo SSC Wuu Saamaxay, Waliba Xilal Iyo Lacagna Wuu Iskugu Daray"

    "Siillaayo Oo Biixi Ka Horeeyey Jabhadihii Waber Iyo SSC Wuu Saamaxay, Waliba Xilal Iyo Lacagna Wuu Iskugu Daray"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Siillaayo Oo Biixi Ka Horeeyey Jabhadihii Waber Iyo SSC Wuu Saamaxay, Waliba Xilal Iyo Lacagna Wuu Iskugu Daray"

Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa ka hadlay marxalada uu dalku marayo.

Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige oo u waramayWargeyska Geeska Afrikaayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay "Caare markii uu baxaayey sabab la’aan umuu bixin, sabab la’aana Ciidan umuu kaxaysan, ee wuxuu u adkaysan waayey cadaalad darada jirta ee waxba laga qaban waayey, haba tagee Madax-dhaqameedkiisi ayaa halka uu joogay ugu tagay, nabad ayeyna ka keeneen, Madax-dhaqameedkaasi Madaxweynaha wey kala hadleen nabada ay ka wadaan Caare, laakiin Madaxweynuhu uu iska dhego tiray, wixii uu Taliyihiisu ku hadlaayeyna weynu aragnay,laakiin ugu dambayntii Madaxweynuhu wixii qalbigiisa ku jiray ayuu ka hadlay, waa kii Madaxtooyada uu ka yidhi iyo wixii uu kula hadlay Madax-dhaqameedka waa la arkaayey, hadalo lagula hadlo dad waaweyna may ahayn, marka uu Madaxweynuhu leeyahay Ciidamada waan cafiyey balse Caare maan cafin, waxaan leeyahay cida qudha ee cafis laga dalban karaa waa ALLE, cida toomad iyo samaaxad la weydiisan karaana waa ALLE, waxay ahayd oo qudha inuu Madaxweynuhu nabadaas laga keenay Caare uu la qaato, imikana Ciidan uu cafiyey oo Caare ka imanaya ma jirto, Odayaashana siday ahaayeen maan garan, ee Madaxweyne Axmed Siillaayo oo ka horeeyey Jabhadihii Waber iyo SSC, uu saamaxay, waliba xilal iyo lacagna uu iskugu daray, haddii aad Caare cafiyi weydayna waxba ku noqon maayo, ee halkiisaba uu ku nabadgalayaa”.

Mar uu baaq u diraayey Shacabka ayaa yidhi "Dalkani dagaalo ayuu soo maray, dhiig baa loo soo daayey,ee dhiig dambe oo daata iyo colaad dambe oo timaada uma taag helayno, ee Shacabku ha is ilaashadan, Xukuumad ilaalinaysa danahooda ma aragnee, xilkuna waa meerto, ee Madaxweynuhu bari ka maalin ayuu tagayaa ee dadku dalkooda ha wada ilaashadan, oo nabadgalyo daro yaanay yeelin”.