Xildhiban Cabdirisaq Aar Waan uga mahadcelinayna Dedalkii uugeliyey Dugsiga Sare ee Ballidhig

0
Sunday October 19, 2014 - 19:47:04 in by salman abdi
  • Visits: 912
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhiban Cabdirisaq Aar Waan uga mahadcelinayna Dedalkii uugeliyey Dugsiga Sare ee Ballidhig

    Sida Aynu La Wada Socono Waxa Dhawaan Lagu Dhawaaqay Ixtixaanaadkii Shahaadiga Ahaa Ee Dalka Guud Ahaan , Waxana Markii Koobaad Deegaan-ka Degmada Balidhiig Kaso baxay Arday Ku Dhamaysatay FASALKA AFRAAD Ee Dugsiga Sare

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida Aynu La Wada Socono Waxa Dhawaan Lagu Dhawaaqay Ixtixaanaadkii Shahaadiga Ahaa Ee Dalka Guud Ahaan , Waxana Markii Koobaad Deegaan-ka Degmada Balidhiig Kaso baxay Arday Ku Dhamaysatay FASALKA AFRAAD Ee Dugsiga Sare

Iyado Aynu Odhan Karno Wax Waliba Sababta ILaahay Ba Keenta Hadana Waxa Iyaduna Xusid Mudan In Xildhibaan Ka Mida Kuwa Degmada Codka Ka Hela Waa Xildhibaan ABDIRIZAAK AAR JAMA Uu Ku Guulaystay In Si Gooniya Loogu Mahadnaqo Madama uu Ahaa Shaqsiga Wakhtigii Ugu Badna Galiyay In Ardaydaasi Deegaankooda Ku Dhamaystaan Waxbarasha .

Degmada Balidhiig Oo Ah Mid Ku Taala Xadka Ethiopia Iyo Somaliland Waxa Ku Dhawaad Lixdankii Sane u Danbeeyay Ka Furna Dugsiyo Soo Maray Heerar Kala Duwan , Balse Marnaba Laguma Guulaysan In Arday Kaso Baxdo FASALKA AFRAAD ee Dugsiga Sare , Arinta Waxa Sabab In Badan u Ahaa Degmada Oo Ku Taala Meel Durugsan Iyo Dadka Meesha Degan Oo Marka ILmahoodu Dugsiga Hoose Dhamaysta u Dira Magaalada Burco Oo Ay Hoostagto Nidaamka Dowliga , Waxana Xaqiiqiyan Iyaduna taa Barbar Socday Dadka Deegaanka Oo u Badnaa Reer Guura Marba Caruurta Meel ula Guura , Waxase Manta ILaahay Mahadii Noqotay In XILDHIBAAN ABDIRISAAQ AAR u Guntaday Sidii Taariikhda Marki Koobad Ardayda Halkaasi Deegaankooda Waxbarashada Ugu Dhamaysan Lahaayeen Isago Guud Ahaan Ka Saaciday Wixi u Fududaynayay Inay Ku Dhamaystaan Deegaankooda .

 

Xildhibaan Abdirisaaq Aar Wuxu Deegaanka Oo ka Aradna Guud Ahaanba Buugaagta Manhajka Dowliga Ee Imtixaanaadka Ay Ku Galaan Ardayda Goboladu u Qaaday Min FASALKA AAD-ilaa AFRAAD Ee Dugsiga Sare , Taasi Waxay Wax Wayn Ka Badashay Heerka Iyo Garaadka Ardayda Dagmada Waxaynay Fududaysay Inay Deegaanka Kusii Dhamaystaan IMTAXAANKA SHAHAADIGA , Iyado Ay Dhici Jirtay In Sanadadii Hore Marka Ay Soo Dhawaadaan Ay Badal u Qaadan Jireen Iskuulada Gobolada Ka Furan Gaar Ahaan Kuwa Burco Oo Lododkii Hore Raaceen ,

 

 

Waxa Intaaba Dheer In Guud Ahaan Ardaydii Degmada ugu Fadhiisatay Imtixaanka Shahaadiga Aan Waxba Ka Dhicin Maadama Bishi Fasaxa Ee Imtixaanka Dhexe Uu XILDHIBAANKU Guud Ardayda Keenay Magaalada Burco Si Ay Halka Ugu Qaataan Muraajico Casharada Dugsiga Sare Ah Una Helaan Macalimiin Aqoon Durugsan u Leh Aqoonta Ay Baranayaan , Ka Dib Markay Fasixi Dhamaysteena Guud Ahaan Waxay Ku Noqdeen Magaaladi Ay Ka Yimaadeen Ee Balidhiig ,

Hambalyada Iyo Taageerada Aanu Xildhibaanka u Hayna Intaasuun Kuma Koobne Xildhibaanku Wuxu Guud Ahaan Ardaydii Halka Kaso baxday Degmada U Doonay JAAMACAD Ay Dhigtaan Si Scholarship Ah Waanu Ku Guulaystay In Jaamacada GOLLIS BURCO Oo Uu Ka Dalbaday Inay Ardayda Wax Baraan Ay Iyaguna Si Buuxda Uga Aqbaleen In Arday Kasto Ka Baxa Inu Si Free Ah u Dhigan Doono Taasina Waa Mid Yadadiilo Galisay Ardaydii Deegaanka Iyo Anakoo Ah Shacbigii Deegaanka Ee Xaalada Sida Dhabta ula Socday ,

 

Mar Labaad Iyo Mar Sedexaadba Waxan Bogaadin Iyo Hambalyo Kal Iyo Laaba u Diraya XILDHIBAANKA Oo Aan Leeyahay Waxad Ka Guday Inyar Abaalkii Dagmada Lagasoo Doorta Ay Kugu lahayd Halkaana Kasii Wad Wanan Kuguso Dhawaynaynaa Waxqabad Kasta Oo Ad Dadka Deegaanka u Qabato , Waxanu Iyagana Xusayna In Xildhibaanadii Kale Ee Deegaanka Lagaso Doortayna Laga Rabo Inay u Shaqeeyaan Sida Xildhibaan kani Deegaanka Ula Shaqeeyay , Maanta Idin Dhaliili Maayo Lakin Waxa Haboon Inad Martaan Wadada Xildhibaan CABDI AAR Maray , Dadka Guud Ahaana Taariikhda Xusi Doonta !

 

Waxan Hadalka Kuso Koobaya Dadka Madaxda Ah Ee La Dortay ama ha Muuqdaan Ama Ha Maqnaadaan Waxa Haboon In Shaqsi kastaaba Deegaankii uu Kaso baxay Iyo Bulshadii Milicda u Istaagtay uu Dib Ugu Noqdo , Insha ALAH dhamaantiin Waxan Idiin Rajaynaya Inad Waanada Maqli Doontaan Idina Anfici Doonto .

 

By : Mohamed Ahmedd

Hargeysa Somaliland