Wadankayga wax shaqo ah waan ka wayay oo waan tahriibayaa Qalinkii Nimco Baashe Cabdi,

0
Monday October 20, 2014 - 09:11:41 in by salman abdi
  • Visits: 1170
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wadankayga wax shaqo ah waan ka wayay oo waan tahriibayaa Qalinkii Nimco Baashe Cabdi,

    Waxan salaamayaa dhamaan akhristayaasha maqaalkan, Intaa kadib waxaan rabaa inaan halkan ku soo bandhigo qoraal yar oo...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxan salaamayaa dhamaan akhristayaasha maqaalkan, Intaa kadib waxaan rabaa inaan halkan ku soo bandhigo qoraal yar oo...

aan ka diyaariyay mid ka mida dhalinyarada Magaalada ee dhamaysatay jaamacada una baahan inuu shaqeysto, balse ku doodaaya in uu wadankiisa wax shaqo la yidhaa ka waayay isla markaana uu rabo inuu tahriibo, horta marka hore waxaa iswaydiin mudan in la is waydiiyo, wadankeenu ma bilaa shaqaa mise dhalin-yaradeena ayaana ogalayn in ay wadanka gudihiisa ka shaqeystaan? waxaa jiro kumanaan dhalinyaro ah oo wax ku bartay wadanka dhexdiisa iyagoo xataa wadankooda ku haysta shaqo ku filan oo wanaagsan, halka ay qaar kalena iyagoo aan waxba baran ay yidhaahdaan waxaanu wayney shaqo bal arag iyagoo aan baran xirfadii ay ku shaqeysan lahaayeen, qofka bila aadankaa marka wuu wax barto waa qasab in uu shaqo helo taas oo uu ku kala dabaro nolol maalmeedkiisa,

laakiin shaqadu waxay u baahantay samir iyo dadaal wanaagsan oo aad ku kasban karto inaad hesho shaqo deg deg ah, dadkeenu waxay maah-maah ku yidhaah daan nin dadaalaa xaaji cabaas wuu gaadhaa, sababtu waxay tahay haddii aad dadaal sameyso meelkasta oo ay hiigsigaagu yahay waad gaadhaysaa, markaa haddii aad rabto inaad ka dhabayso hadafkaaga waa inaad martaa waddo kasta oo aad is leedahay halkan ayaad ku gaadhaysa, maxamed waa wiil dhalin-yaro ah wuxuu ka baxay waxbarashadii sare ee jaamacada, markii uu dhiganaayay waxbarashada Sare wuxuu ku hamiyaaya ama niyadiisa ku jirtay marka aad sidaa waxbarashada u dhameyso waxaad helaysaa shaqo aad u wayn oo ka mida waxyaabaha aan aadka ugu halmaamo, markii aan sidaa uga qalin-jabiyay jaamacada ee aan qaatay shahaadadii, waxaan damcay inaan ku dhaqaaqo oo aan dhexda u xidho sidii aan uga dhabayn lahaa hadafka aan leeyahay,


markii hore way igu adkeyd waayo waxaan garan wayay meel aan ka bilaabo, taalaabo kasta oo la qaado waxay ka bilaabantaa bari ama gelbeed waxay sidaa ahaataba waxaan u kuur galay hadafkii noloshayda, bilaabay oo isku adkeyay balse wax kasta oo aan qabtaa waxay noqdeen hal bacaad lagu lisay, geed gaaban iyo geed dheer-ba waan u koray sidaan u gaadhi lahaa halka aan rabo ama aan u heli lahaa shaqada aaan rabo, waxaan tagay goobaha laga helo shaqada aan rabo si aan u gaysto arjiyada aan leeyayay, nagu soo noqo iyo bari noo kaalay ayaan sanad ayaan ku jiray isku meer meer iyo maalinba waji cusub oo la igula hadlo ayay ka bixi wayday shaqadaydii, maxamed waxa uu sheegay in wadanka ay ka jirto in shaqada aad rabto lagu xidhaayo waji iyo kolba haddii aad leedahay nin caana oo laga dambeeyo, haddi uu nin wasiir ah kuugu jiro xukuumada waxaad helaysaa shaqada shaqooyinka ugu sareysa, laakiin hadaanad lahayn intaa waxaa lagugu wareerinayaa caan siir iyo hadba waa bari shaqadaadii, intaas kadib waxaan go’aan ku qaatay in aan iskaga tahriibo wadankan oo aan u shaqo tago wadamada shisheeye, waxaan rabaa inaan wadankayga u soo shaqeeyo oo aan hadhaw noqdo mid wax ku soo kordhiya wadanka, waan ogahay tahriibku inaanu ahayn wax aan wanagsan balse danta oo ii ciishay awgeed waa qasab inaan tahriibaa, wadankayga waan jecelay oo ku dhaataa laakiin hada waxaa laga yaabaa inaan ka huleelo wadankan, waxbarasho igu filan waan haystaa oo uma baahni inaan wadan kale wax ka soo barto balse tan waa shaqo ayaan u socdaa, marka aan soo shaqeysto waan daduuri inaan imaado wadankayga waayo maaha mid aan ka marmo, hadaba dhalinlinteenii iyadoo og in ay wadankooda marna ka maarmayn, maxay tahay sababta ay uga tagayaan? balse miyaaney ogayn in uuna wadku meel jirin haday dhexda ku dhintaan yaa loo raacayaa? Imisa halyay yiina misa tidcan timo hadhaalay ah ayaa laga quustay, imisa ayay reerohodi ay goblan noqdeen, Imisa ayaa looga digay halkaa halista ah ee ay ku sii socdaan, Imisa ayaa jeelasha ku xaraysan oo dugaaga aan waxba dhaamin, Imisaa sidii adoomaha lagu shaqeysaa imisaa la iibsady oo ay dad badan ka taajireen, hadii aan u talaabo dhankaa xukuumada miyay wayday iney sameyso Barnaamij cusub oo dhalinyarada lagu dhiiri galiyo sidii ay shaqo ku filan uga heli lahaayeen wadankooda, xukumada xil wayn ha iska saarto dhallintan ku dhamaatay badaha iyo yaxaasku uu dhameeyay, laakiin waxaad moodaa in ay xukumadu dhalinta ku dhiiri galineyso in ay tagaan wadamada shisheeyey, sababto oo ah habeen walba waxaad maqlaysaa xukumada oo casho sharaf u sameysay qurba jooga wadanka, taas waxaa ka niyad jabaaya dhalintii wadanka joogtay, hadaynu maqalney qurba joog ayaa la casuumay maxaynu u maqli waynay xukumada oo casho sharaf u samaysay dhalinyarada wadanka, imika dadkeenii waxay ku dhiiranayaan sidii ay u noqon lahaayeen qurba joog, maalin maalmaha ma mida waxaan la kulmay wiil dhalinyaro ah uu raba inuu tahriibo waxaan waydiiyay waxa uu ka faa’idaayo safarkan dheer ee uu galaayo, wuxuu igu jawabay

"maanta hadaan ahay mid tahriibay Bari waxaan noqonayaa qurbo jooga wadanka, taas ayaa maskaxdii dhalinta ka buuxda sidee ayaynu uga hor tagi karnaa Aafada tahriibka ee lagu soo rogay dadkeenii? talo soo jeedin waxaan leeyay dhalinyarooy ku hamiya wadankiina sidaad horumar ui gaadhsiin lahayd ha ku fikirin inaad addigu shaqo raadsato, balse ku fikir inaad adigu shaqo sameyso oo adiga lagu yidhaa na shaqaaleysii, intaas hadaad isla keento uma baahnid inaad u haajirto wadan kale kuna fikir wadankan aad u hanqal taagaysaa in ay dhiseen dhalinyaradiisa, wadanka maraykanka ee aad aragto quwad uu leeyay shalay ayay ahayd markii la moodayay dakeda la soo dajiyo dhuxusha, macnuhu wuxuu yahay lama mooday meel ay dad ku noolaan karaan maantana waad aragtaa meel kasta waxaa la leeyaya maraykan ayaa sidan yidhi, ana dhalinyarada waxaan farayaa ka baxa waxan la yidhaa tahriibka oo soo jooga wadankiisan

lama huraan waa caws jiilaal

lama huraan waa dhulka Hooyo haybad waxaad ku leedahay dhulkaaga Hooyo waana lama huraane hagar li wax ugu qabo,





Qalinkii: Nimco Bashe Cabdi (NBC)

Caaqasha555@hotmail.com

Hargeysa Somaliland