Dowladda Soomaaliya oo beenisay hadalkii safiirka Mareykanka ee Kenya

0
Wednesday October 23, 2019 - 13:08:07 in by salman abdi
  • Visits: 353
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Soomaaliya oo beenisay hadalkii safiirka Mareykanka ee Kenya

    Dowladda Soomaaliya oo beenisay hadalkii safiirka Mareykanka ee Kenya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Soomaaliya oo beenisay hadalkii safiirka Mareykanka ee Kenya

Dowladda Soomaaliya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamtay hadalkii safiirka Mareykanka ee Kenya Kayle McCarter oo sheegay in uu la kulmay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kalana hadlay arinta muranka Badda

 

 
Safiirka Soomaaliy a So omaaliya ee Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa sheegay in uu jiro safarka safiirka Mareykanka ee Kenya uu ku tagay Muqdisho, balse waxaa uu meesha ka saaray in marnaba uu kulan dhaxmaray isaga iyo madaxweyne Farmaajo.

 

 

"Ummadda Soomaaliyeed waxaan wargalinaynaa in uusan dhicin kulan dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Safiirka Mareykanka ee Kenya xilligii uu booqashada ku yimid Muqdisho oo ahayd dhawr bilood kahor ayuu yiri” ayuu ku yiri Tarsan qoraal uu soo dhiggay boggiisa Facebook.

Dhinaca kale safiirka ayaa ugu baaqay warbaahinta guud ahaan gaar ahaan Wargeyska The Daily Naiton in u uiska hubiyo wararka noocaas oo kale ah.

Warbixinta uu daabacay Wargeyska Dailynation ayaa waxaa uu kusoo aadaya xilli laba jeer ay Maxkamadda cadaallada Aduunka ee ICJ ay dib u dhigtay dacwadda Badda ee u dhaxeeysa Soomaaliya iyo Kenya.