Mario Balotelli oo lagu Canaantay Gool Madhan oo uu Dhalin kari Waayey iyo Niyad jabka uu ku riday Xulkiisa
Balotelli ayaa dhaleecayn wayn kala kulmay qaab ciyaareedka liita isla markaana uu caajisku ku dheehan yahay ee uu ku bilawday waayihiisa ciyaareed ee Liverpool.
Kulankii ay Liverpool sida nasiibka ah kaga badisay QPR ayuu Balotelli kooxdiisa ka qasaariyay wax u muuqday inuu gool ahaa. Jamaahiirta Liverpool ayaa filaayay inuu Balotelli dhaliyay goolkiisii kowaad ee horyaalka ee uu muddada sugaayay balse arintaasi maydhicin ee Barlotelli oo goolka u furnaa ayaa kubbada birta dul mariyay taas oo culays iyo cidhiidhi ku sii abuurtay.
Mario ayaa Liverpool ku taagan lacag dhan 16 milyan oo uu xagaaga kaga soo wareegay AC Milan, wuxuuna madax xanuun ku riday Rodgers oo xili ciyaareedkii hore ku raaxasanaayay gool dhalintii layaabka ahayd ee Luis Suarez.
Waa wax iska dabiici ah in marka uu ciyaartoy ku jiro qaab ciyaareed liita isla markaana uu kooxda ku cusub yahay inuu dareemo culayska iyo cadaadiska kaga imanaya saxaafada, jamaahiirta kooxdiisa iyo waliba tababarihiisa oo ay dhibaato ku noqoto.
Liverpool ayaa maraysa ciqaabta go’aankii ay Luis Suarez ugu ogolaadeen inuu ku biiro Barcelona, Daniel Sturridge ayaa ah ciyaartoy uu dhaawiciisu aad u badan yahay mana aha weerar yahan ay kooxdu isku halayn karto. Balotelli oo lays lahaa wuxuu buuxun karaa booska weerarka ee Liveprool ayaan wali hal gool oo horyaalka ah shabaqa soo taabsiin.
Liverpool ayay qasab ku noqon doontaa inay markale bisha January ay suuqa u galaan weerar yahan haddii ay doonayaan inay horyaalka meel fiican ka gaadhaan. Rodgers ayaan haysan doorasho kale oo ka fiican Balotelli waxaana kursiga kaydka ugu jira Lambert oo aan isaga laftiisu dhaamin Balotelli kaas oo aan isna wali wax gool ah u dhalin Liveprool.
Mario Balotelli oo lagu Canaantay Gool Madhan oo uu Dhalin kari Waayey iyo Niyad jabka uu ku riday Xulkiisa
Weerar yahanka Liverpool ee Mario Balotelli ayuu xaalku ku sii adkaanayaa, wuxuuna marba marka ka danbaysa sii dareemayaa caddaadis iyo niyad jab.