Wabiga Shabeelle oo fatahaad hor leh ka sameeyay magaalada Beledweyne

0
Friday October 25, 2019 - 16:49:07 in by salman abdi
  • Visits: 328
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wabiga Shabeelle oo fatahaad hor leh ka sameeyay magaalada Beledweyne

    Wabiga Shabeelle oo fatahaad hor leh ka sameeyay magaalada Beledweyne

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wabiga Shabeelle oo fatahaad hor leh ka sameeyay magaalada Beledweyne

Wabiga Shabeelle ayaa saacadihii ugu danbeeyay bilaabay in uu si toos ah ugu fataho guud ahaan xaafaddaha magaalada Beledweyne, kaddib markii xalay uu qeybo badan Wabigu karkaarada jabsaday.

Laamiga dhaxmara bartamaha magaalada ayeey biyuhu bilaabeen 





in ay ku dulmaraan taasoo muujineysa in fatahaadu waxba ka duwaneyn kuwii ka horeeyay saameynta weyn yeeshay, gaar ahaan xaafaddihii ugu danbeeyay ee biyuhu ku fataheen ayaa waxaa ka mid ah Xaafadda Buundo-weyn, Kooshin, waxaana biyaha ka burqanaya xaafadda Buunda-weyn ay saameyn weyn gaarsiinayaan goobaha ganacsiga oo qaarkood wali ay dhax-yaallaan badeecooyinkii kala duwanaa oo ay mid yihiin raashinka.

 

 

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Maxamed Caraale ayaa sheegay in dadka barakacay magaalada lagu qiyaasayo ilaa 50 kun ruux oo deegaan ka dhigtay dhulka taagga ah ee dulleedka Bari deegaanka Ceeljaale.

Korontada magaalada ayaa la jaray, iyadoo shirkaduhu ka cabsi qabaan in ay wax-yeelo u geysto dadka biyaha ku dhax-lugeynaya madaama baalayaasha Korontada gudbiya intooda badan suran yihiin xaafaddaha fatahaadu saameysay.  

Magaalada Beledweyne ayaa sanad waliba dadka ku dhaqan xiliyada Roobka waxaa ay u diyaaar-garoobaan fatahaad uu sameeyo Wabiga Shabeelle, gaar ahaan marka ay Roobabku si xiriir ah uga da'aan dhulka sare ee Itoobiya