Dad rayid ah oo ku dhintay duqeyn diyaaradaha Mareykanka ay ka fuliyeen gobolka Bari

0
Sunday October 27, 2019 - 12:12:03 in by salman abdi
  • Visits: 422
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dad rayid ah oo ku dhintay duqeyn diyaaradaha Mareykanka ay ka fuliyeen gobolka Bari

    Dad rayid ah oo ku dhintay duqeyn diyaaradaha Mareykanka ay ka fuliyeen gobolka Bari

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dad rayid ah oo ku dhintay duqeyn diyaaradaha Mareykanka ay ka fuliyeen gobolka Bari

Duqeyn diyaaradaha Mareykanka ay ka fuliyeen gobolka Bari gaar ahaan dhulka Buuraleyda ah ee Golis ayaa lagu waramayaa in ay ku dhinteen Labo ruux oo rayid ah.

 

 

Odayaasha deegaanka Camaara ee gobolka Bari ayaa sheegay in ay heleen meydadka labo ruux oo ku dhintay duqeynta diyaaradaha Mareykanka iyo qof rayid ah oo uu dhaawac soo gaaray.

 

Hasse ahaatee saraakiisha howlgalka Mareykanka ee Africom kama aysan hadlin arintan ku saabsan dadka rayid ah ee ku dhintay duqeynta ay ka fuliyeen gobolka Bari iyaga oo warbixintooda ku sheegay oo kaliya in weerarkaa ay ku dileen saddex ka tirsan dagaalyahannada ISIS.

Inta badan duqeymaha diyaaradaha Mareykanku ay ka fuliyaan gudaha dalka Soomaaliya ayaa la sheegaa in ay wax yeelo ka soo gaarto dad rayid ah oo aan waxba galabsan.