Shirwaynihii 4aad ee Ururka ONLF oo ka furmay magaalada Godey

0
Thursday November 07, 2019 - 16:35:50 in by salman abdi
  • Visits: 480
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirwaynihii 4aad ee Ururka ONLF oo ka furmay magaalada Godey

    Shirwaynihii 4aad ee Ururka ONLF oo ka furmay magaalada Godey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirwaynihii 4aad ee Ururka ONLF oo ka furmay magaalada Godey

Waxaa magaalada Godey ee Degaanka Soomaalida ka furmay Shirwaynihii 4aad ee Ururka ONLF, Shirwaynahan ayaa waxaa kasoo qayb galay dad aad u badan oo isugu jira Xubnaha Ururka, Taageerayaasha ONLF, xubno ka socday Ururada Mucaaradka ah ee Itoobiya.

 

 

Sidoo kale waxaa iyana kasoo qayb galay Shirwaynahan Wakiilo ka socday dawladda fadaraalka Itoobiya iyo Dawlad Degaanka Soomaalida, qaar kamid ah Culimada degaanka, Odayaal dhaqameedka degaanka iyo marti sharaf ka kala timid dalalka dariska.

Haddaba Shirwaynahan ayaa waxaa inta uu socdo lagu gurfayn doonaa waxyaabo muhiim ah, isla markaana Umadda degaanka Soomaalida lagu hagi doono.

Sidoo kale Madaxda Ururka ONLF ayaa iyaguna hadallo taariikhi ah kasoo jeedin doona Shirwaynahan.

Shir-waynahan oo ah mid dadwaynaha Soomaaliyeed isha ku hayaan ayaa la filayaa inay kasoo baxaan go'aano wax-tar u noqda masiirka Shacabka degaanka.