NATIIJOOYINKAb Xalay Ee Champion-ka : Gumaadkii Chelsea Ee Maribor,Xasuuqii Bayern Munich Ee Roma, IyoDamashaadkii Barcelona Ee Ajax!!, Kulama Yar Iyo Goolal badan!!!! + Daawo Sawir

0
Wednesday October 22, 2014 - 09:04:30 in by Burco Office
  • Visits: 1316
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    NATIIJOOYINKAb Xalay Ee Champion-ka : Gumaadkii Chelsea Ee Maribor,Xasuuqii Bayern Munich Ee Roma, IyoDamashaadkii Barcelona Ee Ajax!!, Kulama Yar Iyo Goolal badan!!!! + Daawo Sawir

    Waa habeen ku wayn kubbada Cagta gaar ahaan horyaalka Yurub ee Champions League waxaa ka soo baxay kulamadii xalay la ciyaaray natiijoon layaab leh iyo goolal aad iyo aad u tiro badan. waxaana awoodooda ciyaareed iskala horyimid qaar ka mid ah kooxah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa habeen ku wayn kubbada Cagta gaar ahaan horyaalka Yurub ee Champions League waxaa ka soo baxay kulamadii xalay la ciyaaray natiijoon layaab leh iyo goolal aad iyo aad u tiro badan. waxaana awoodooda ciyaareed iskala horyimid qaar ka mid ah kooxaha Yurub ugu awooda badan,halkan kaga bogo warbixinaha kulamadii Champions ee xalay la ciyaaray.



Waxyaabaha layaabka leh ee Champions League xalay lagu xasuusan doono ayay ka mid tahay xasuuqad ay Bayern Munich u gaysatay kooxda Roma, iyadoo shan gool ka dhalisay waqtiga nashada ka hor.

Qaybtii hore ee kulamadan ayay kooxuhu iska dhaliyeen 19 gool. Shakhtar ayaa noqotay kooxdii ugu horaysay ee lix gool ka dhalisa 45 daqiiqo ee ugu horaysa kulan Champions Leaque ah, halka dhamaadkii kulamadana ay kooxuhu iska dhaliyeen 40 oo gool.Sideed kulan oo la ciyaaray xalay ayay kooxuhu iska dhaliyeen 40 gool taas oo noqonaysa in markii ugu horasay tan iyo sanadkii 1997 ay kooxuhu iska dhaliyaan goolal intan leeg.

halkan kaga bogo warbixinaha kulamadii Champions ee xalay la ciyaaray.

Barcelona Vs Ajax: 

Barcelona ayaa doonaysa inay ka soo kabsato guul daradii kulankii hore ka soo gaadhay PSG. PSG ayaa groupkan ku hogaaminaysay 4 dhibcood. Muhiimad gaar ah ayuu Barcelona u lahaa kulanka Camp Nou ee ay Ajax la ciyaartay.

Barcelona ayaa ciyaarta hogaanka u qabtay daqiiqadii 7 aad ee bilawgii ciyaartaba waxaana gool aad u sahlan kooxdiisa u dhaliyay Neymar.Pedro, Messi iyo Neymar ayaa kubbad qurux badan isla ciyaray taas oo dhibaato ku keentay difaaca Ajax sidaana waxay ciyaartu ku noqtay 1:0 ay Barcelona hogaanka ku qabatay. Neymar ayaa 10 gool u dhaliyay Barcelona 10 kii kulan ee ugu danbayasay oo ah isku darka Champions Leaquega iyo La Ligaha.

Daqiiqadii 24 ayuu Lionel Messi kooxdiisa Barcelona u dhaliyay goolka labaad, wuxuuna natiijada ciyaarta ka dhigay 2:0 ay Barcelona hogaanka ku hayso.Goolkan ayaana ahaa goolkii 69 aad ee Messi ka dhaliyo Champions Leaquega, waxayna hadda sidaa isku goola ku yihiin Crisrtiano Ronaldo oo isna leh 69 gool. Waxayna laba gool ka danbeeyaan Raul oo rekoodhka gool dhalinta Champions Leaquega ku haya 71 gool. ugu danabayn qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 2:o ay Barcelona gacanta sare ku leedahay.

Markii layskugu soo laabtay qabtii danbe ee ciyaarta ayaay inta badan Barcelona kubbada iska haysatay, wuxuuna Luis Enrique markii ay qabtii danbe ee ciyaartu wax yar socotay badal ku saaray Lionel Messi iyo Neymar, wuxuuna doonayaa inay helaan fursad ay ugu nasan karaan kulanka sabtida ee Clasico kaas oo dhex mari doona Real Madrid iyo Barcelona.

Ajax ayaa bartilmaameedkii ugu horeeyay ee ciyaarta samaysay waxayna daqiiqadii 88 aad la timid goolka calanka, waxaana goolkaas u dhaliyay El Ghazi. ciyaarta ayaana noqotay 2:1 ay wali Barcelona hogaanka ku hayso.Markii uu dhamaaday waqtiga rasmi ah ee ciyaartu isla markaana waqtiga dheeriga ah lagu jiray ayuu Sandro Ramirez Barcelona u dhaliyay goolka saddexaad . Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 3:1 ay Barcelona guusha kaga gaadhay Ajax.

Chelsea Vs Maribor:


Mourinho ayaa lineupka Chelsea dib ugu soo celiyay goolhaye Petr Cech, waa kulankiisii labaad ee uu xili ciyaareedkan ku bilawdo goolka Chelseea kadib markii uu booskaa kala baxay Thibaut Courtois.

Inkasta oo uu Chelsea kulanka Maribor uu ka maqnaa Diego Costa, haddana wax walwal ahi muu mahaysan Mourinho, sababtoo ah kooxdan oo awoodeedu hoosayso iyo waliba Chelsea oo joogtay gurigeeda Stamford Bridge. Chelsea ayaana ahayd kooxda kaliya ee kulan ka hor guul gaadhay marka la barbar dhigo kooxaha groupkan kula jira ee Maribor,Sporting iyo Schalke 04.

Chelsea ayaa daqiiqadii 13 aad ee ciyaarta hogaanka kala wareegtay kooxda Maribor waxaana Chelsea goolka u dhaliyayLoic Remy. Remy ayaa kubbad uu ka helay kabtankiisa Terry uga faa’iideeyay kooxdiisa wuxuuna natiijada ciyaarta u badalay 1:0 ay Chelsea ku hogaaminayso.

Daqiiqado yar kadib ayuu Remy dhaawac soo gaadhay waxaana Mourinho qasab ku noqtay inuu waqti hore badal sameeyo wuxuuna ciyaarta soo galiyay Drogba.

 

Drogba markii uu wax yar ciyaarta ku jiray ayuu nasiib u helay inuu kooxdiisa hogaanka u dheereeyo kadib markii uu rekoodhe Chelsea lagu abaal mariyay gool u badalay. 

Chelsea ayaa intaa wixii ka danabaysay ciyaarta ku xaragoonaysay waxaana daqiiqadii 31 aad u suurto gashay inay la timaado goolkeeda saddexaad, waxaana markan shabaqa soo taabtay kabtan John Terry. Terry ayaana goolkan dhaliyay kadib markii uu kubba caaqiibo leh ka helay Cesc Fabregas. ciyaarta ayaana noqotay 3:0 ay Chelsea hogaanka ugu raaxaysanayso. qaytii hore ee ciyaarta ayaana ku soo dhamaatay 3:0 ay Chelsea hogaanka ugu raaxaysanayso. 

Qaybtii danbe ee ciyaarta ayay Chelsea halkii ka sii waday qaab ciyaareedkii fiicnaa iyo waliba dhalinta goolasha ay ka buuxinaysay shabaqa awooda daran ee Maribor. Daqiiqadii 54 aad ayuuMitja Viler iska dhaliyay goolka afraad, ciyaarta ayaana noqotay 4: ay Chelsea ku burbursanayso Maribor.

Daqiiqadii 64 aad ayay Maribor heshay rekoodhe balse nasiib daroIbraimi ayaa kooxdiisa ka qasaariyay wuxuuna ku guul daraysaytay inuu rekoodhahaas gool u badalo.Matic ayaa qalad ku galay Ibraimi, garsooraha ciyaarta ayaana si sahlan rekoodhaha u tilmaamay. Ibraimi ayaa birta ku dhuftay kubbada kadibna Chelsea ayaa si fiican kubbada iskaga saartay.

waxaa wali halkooda ka sii socday bandhiga goolasha Chelsea, waxaana goolka shanaad u dhaliyay Edin Hazard.Garsoraha ciyaarta ayaa rekoodhe muranleh ku abaal mariyayBranislav Ivanovic kaas oo wax aan qalad wayn u muuqan kala kulmay Marko Suler. Hazard ayaana natiijada ciyaarta ka dhigay 5:0 ay Chelsea ku damaashaadayso. Ugu danabayn waxaa bandhiga goolsha Chelsea soo gabagabeyay Hazard waxayna ciyaarta ayaa ku soo afmeerantay 6:0 ay Chelsea ku xaaqday Maribor.

Roma Vs Bayern Munich: 

Kulanka ugu adag ayaa dhex maray kooxah Roma iyo Bayern Munich oo ku wada jira groupka ugu adag Champions Leaquega heerkiisa Groupyada. Bayern Munich oo labadii kulan ee hore soo guulaysatay ayaana ka fikiraysay inay Roma na mariso dariiqadii ay hore u marisay CSKA Moscow iyo Man city.

Bayern Munich ayaa ciyaarta ku soo gashay dardar xoogleh iyo waliba qaab ciyaareed layaableh, waxayna hogaanka ciyaarta la wareegtay daqiiqadii 5 aad ee bilawgii ciyaartaba waxaana Bayern goolka furitaanka u dhaliyay Arjen Robben.

Mario Gotze ayaa Bayern Munich hogaanka u dheereeyay kadib markii uu kubbad qurux badan oo uu ka helay Thomas Muller uu kooxdiisa ugu dhaliyay goolka labaad. Natiijada ciyaarta ayaana noqtay 2:0 ay Bayern Munich hogaanka ku dheeraysatay.

Intaa wuxuu ka danbaysay ayay Roma isku dhexyaacday waxayna u muuqtay inaysan awoodin inay goolkeeda ka joojin karto weerarka daadka ah ee kaga soo fatahayay dhinaca Bayern Munich. Robert Lewandowski ayaana Bayern Munich u dhaliyay goolka saddexaad wuxuuna natiija ciyaarta u badlay 3:0 ay Bayern Munich ku xaaqayso Roma.

Ciyaarta ayaa dhinac kaliya ka sii socotay, markale ayuu Arjen Robben kooxdiisa u dhaliyay goolkiisa labaad iyo kan afraad ee Bayern Munich. hadda natiijada ciyaartu waa 4:0. Halkeeda ayay ka sii socdeen goolasha daadka ah ee ay Bayern Munich ku afrogayso shabaqa Roma , waxaana markiisa shabaqa soo taabtay Thomas Muller. Mullar ayaana daqiiqadii 36 aad kooxdiisa u dhaliyay goolka 5 aad. 

Bayern Munich ayaa qaybtii hore ee ciyaarta samaysay 12 bartilmaameed oo ay toos u toogatay goolka Roma waxayna shan ka mid ah u badaleen goolal. qaytbii hore ee ciyaarta ayaana ku soo dhamaatay 5:0 ay Bayern Munich ku burbursatay Roma. Roma ayay Bayern Munich shan gool ka dhalisay qabtii hore ee ciyaaarta taas oo ka badan intii gool ee laga dhaliyay todoba kulan oo horyaalka Serie A da ah.

Markii layskugu soo laabtay qabtii danbe ee ciyaarta ayay Roma isku daysay inay hurdda ka kacdo isla markaana ay weerar ku qaado Bayern Munich. Daqiiqadii 66 aad ayuu Gervinho kooxdiisa Roma u dhaliyay goolka kowaad. Natiijada ciyaarta ayaana noqotay 5:1 ay wali Bayern ku gacan sarayso.

Daqiiqadii 78 ayay markale Bayern Munich bilawday weerarka dilaaga ah ee ay ku haysay Roma, waxaana markiisa shabaqa soo taabtay Franck Ribéry oo muddo dheer dhaawac kaga maqnaa Bayern Munch. Laba daqiiqo kadib ayuuna Shaqiri Bayern u dhaliyay goolka todobaad. Ciyaarta ayaana ku soo dhamaatay 7:1 ay Bayern Munich ku xasuuqday Roma.

Natiijooyinka Kulamadii caawa la ciyaaray oo dhamaystiran: 

















contact@afkashacabka.com