Hordhaca Kulamada caawa Ee Champion_ka Yaa Ka Maqan Yaase Ciyaari doona Iyo Xogaha ku duugan

0
Wednesday October 22, 2014 - 11:06:02 in by Burco Office
  • Visits: 1197
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Hordhaca Kulamada caawa Ee Champion_ka Yaa Ka Maqan Yaase Ciyaari doona Iyo Xogaha ku duugan

    Waxa Caawa la ciyaari doona groupda A,B Iyo D halkan ka akhriso iyagoo dhamaystiran

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa Caawa la ciyaari doona groupda A,B Iyo D halkan ka akhriso iyagoo dhamaystiran

Hordhaca Kulamada caawa Ee Champion_ka Yaa Ka Maqan Yaase Ciyaari doona Iyo Xogaha ku duugan

Waxa Caawa la ciyaari doona groupda A,B Iyo D halkan ka akhriso iyagoo dhamaystiran

HorGroup B: Maxaa Kala Heysta Liverpool Iyo Real Madrid Caawa?

 

Brendan Rodgers ayaa sheegay insyan daah ka saarenyn howsha u taala kooxdiisa Liverpool marka ay caawa Anfield ku soo dhaweynayaan kooxda goolasha badan dhalisa ee Real Madrid.

Los Blancos ayaa marti u ah Merseyside caawa kulan ka tirsan Group B Champions League, iyagoo soo badiyay todobadii kulan ee ugu danbeysay tartamada oo dhan, islamarkaana 5-0 ku soo badiyay labo kulan oo isku xigta.

Levante ayaa aheyd dhibanayaashii ugu danbeeyay ee Real Madrid iyadoo Cristiano Ronaldo uu rikoor kale jabiyay sabtidii.

Kabtanka Portugal ayaa dhaliyay labo gool isagoo noqday xiddigii ugu horeeyay ee 15 gool dhaliyay sideeda kulan ee ugu horeysa La Liga xilli ciyaareedka, waana rikoor yiilay tan iyo xilli ciyaareedkii 1943-44.

Ronaldo ayaa sidoo kale shabaqa soo taabtay kulamadii Champions League ee ay ka badiyeen Basel iyo Ludogorets taasoo u xaqiijisay kooxda Carlo Ancelotti inay hogaanka u qabato Group B.

Liverpool ayaa kaalinta seddexaad kaga jirta group-ka ka dib markii ay guuldarro ka soo gaartay Basel bilowgii bishii October.

Xiddiga ugu qaalisan adduunka Gareth Bale ayaa seegaya kulanka caawa ka dib dhaawac soo gaaray.

25 jirkaan reer Wales ayaa ahaa bedel aan la isticmaalin kulankii ay Real Madrid ka badisay Levante sabtidii ee horyaalka La Liga.

Laguma soo darin 20ka ciyaaryahan ee u soo safartay Anfield halka Sergio Ramos uu isna dhaawac ku seegayo kulankaan.

Ka dib kulankooda Merseyside ay u soo safreen, Real ayaa martigelin doonta kooxda ay xafiiltamaan ee Barcelona sabtida soo socota.

Bale ayaa ciyaaray 90 daqiiqo kulamadii Wales ee heerka caalami.

Dhanka Liverpool tababare Brendan Rodgers ayaa go’aansan doona haddii uu ku soo bilaabayo Mario Balotelli kaasoo qaab ciyaareed xun ku jira iyo haddii kale iyadoo Daniel Sturridge uu dhaawac uga maqan yahay Liverpool.

Kulanka kale ee group-ka waxa uu dhexmarayaa kooxaha Basel iyo Ludogurets.

Hordhaca Group D.

 

Waqtiga: 9:45pm Saacada Geeska Afrika

Kooxda Gunners ayaaa waxaa weli ka maqan xiddigo badan oo furo u ah kulanka ay u safrayaan Belgium iyagoo raadinaya inay soo yareeyaan farqiga u dhaxeeya iyaga iyo kooxda hogaanka u heysa Group-ka ee Borussia Dortmund.

Arsene Wenger ayaa waxaa heysta walaac la xiriira dhanka daafaca ka hor kulanka ay caawa la ciyaarayaan Anderlecht.

Kooxda Wenger ayaa seddex dhibcood xaqiijisatay kulankoodii ugu danbeeyay ee Champions League iyagoo 4-1 ku garaacay Galatasaray oo marti ku aheyd Emirates Stadium, laakiin kulamadii ugu danbeysay ee horyaalka ayaa ahaa kuwa keenay in Wenger uu walaac soo wajaho.

Guuldarro ka soo gaartay kooxda ay London ku xafiiltamaan ee Chelsea waxaa ugu xigtay barbaro 2-2 ah oo ay la galeen Hull City sabtidi iyadoo Danny Welbeck uu dhibicdaas u badbaadiyay dhamaadkii ciyaarta.

Anderlecht oo ciyaaraysa wareega group-yada sannadkii seddexaad ee isku xigta ayaa dooneysa inay ka fogaato guuldaradii lixaad ee isku xigta ee gurigooda ku soo gaarta Champions League islamarkaana ay ka dhaqaaqaan halka hoose ee Group D.

Emiliano Martinez ayaa u muuqda inuu kulankiisii ugu horeysay ee Champions League uu goolhaye u noqon doono Arsenal, iyadoo goolhayaha koowaad Szczesny uu ganaax ku maqan yahay halka David Ospina uu isna dhaawac yahay. Wenger waxaa sidoo kale ka maqan Mesut Ozil iyo daafaca Luarent Koscielny.

 Theo Walcott weli taam buuxda ma ahan ka dib sagaal bilood uu garoomada ka maqnaa halka Podolski uu ka soo kabsaday xumad heysay, Debuchy iyo Giroud ayaa dhaawac muddo dheer ah ku maqan.

Si kastaba, Aarin Ramsey ayaa ka soo kabsaday dhaawac muruqa ah kulankii Hull City, Jack Wilshere ayaana la filayaa inuu diyaar ahaado inkastoo uu dhaawac ku maqan qeybtii labaad ee kulankii sabtida.

Dhanka kale kooxda Borrusia Dortmund oo lix dhibcood ku hogaamineysa Group D ayaa soo dhaweyneysa caawa kooxda Turkiga ee Galatasaray iyagoo rajeynaya inay ku ilaawaan qaab ciyaareedka liita ee ay ku soo bandhigayaan xilli ciyaareedkan horyaalka Bundesliga.

BVB waxaa guuldarro 2-1 ay ka soo gaartay Cologne sabtidii waa guuldaradoodii shanaad ee soo gaarta sideed kulan oo ay ciyaareen Bundesliga.

Waxaana ay horyaalka kaga jiraan kaalinta 14aad iyagoo 13 dhibcood ka danbeeya kooxda hogaanka heysa ee Bayern Munich.

Champions League ayaase u noqday Dortmund meel ay isku ilowsiiso dhibaatada ku heysata Bundesliga, waxaana ay u sareeyaan Group D iyagoo badiyay labadii kulan ee ay ciyaareen 2-0 oo ay Arsenal kaga badiyeen iyo 3-0 oo ay ku dubteen kooxda Anderlecht.

 

 

 

Hordhaca Group A

 

Waqtiga: 9:45pm Saacada Geeska Afrika

Kooxda Juventus ayaa si weyn ugu baahan inay ka soo kabsato guuldaradii 1-0 ee ka soo gaartay Atletico Madrid, laakiin kooxda ay caawa martida u tahay ee Olympiakos ayaa ah rikoor fiican ku heysata kulamada Champions League ee lagu ciyaaro garoonkooda.

Group A koox walba oo ku jirta waxa ay leedahay seddex dhibcood, ka dib markii koox walba ay guul iyo guuldarro soo gaartay. Iyadoo Juventus ay kulankeedii furitaanka wareega group-yada ka badisay Malmo, waxaa dhuunta u gashay oo guuldarro u saarisay kooxda reer Spain ee Atletico de Madrid.

Halka Olympiakos ay guuldarro dhawaan ka soo gaartay kooxda Malmo, hadana Atletico Madrid ayaa aheyd kooxdii ugu danbeysay ee ay ku garacaaan gurigooda, kaasoo noqday meel ay ka baqaan kooxaha waa weyn ee Yurub dhawaanahan.

Iyadoo Olympiakos ay dhawaan garoonkeeda ku soo garaacday Man United, Benfica iyo Arsenal, kooxda Allegri ee Juventus waxaa u taala howl weyn caawa, iyagoo doonaya inay sii dheereystaan fursada ay ugu soo bixi karaan wareega xiga.

Taariikhdase waxa ay la jirtaa Juve, kuwaasoo aan weli looga badinin garoonka Olympiakos, islamarkaana 7-0 ku badiyay kulan labada kooxood ku dhexmarat Turin 2003, waa natiijo ilaa iyo maanta ah guuldaradii ugu cusleyd ee Yurub ka soo gaarta Olympiakos.

MAXAA KA CUSUB?

Kooxda martida ah waxaa la filayaa inuu u soo laabto kubadsameeyaha reer Chile Arturo Vidal. Vidal ayaa seegay kulankii Sassuolo laakiin 27 jirkaan ayaa la filayaa inuu ku soo laabto shaxda Bianconeri. Andrea Pirlo ayaana la filayaa inuu noqdo ninka wadada u baneeya Vidal halka weeraryahan Fernando Llorente isna uu kulankaan ku seegi karo dhaawac dhabarka ah. Daafacyada Andrea Barzagli iyo Marti Caceres ayaa iyagana dhaawac ah iyo ciyaaryahanka khadka dhexe Romulo oo gumaarka ka dhaawacan.

Dhanka Olympiakos David Fuster ayaa tartan ugu jira inuu ciyaaro kulankaan, laakiin daafaca Dimitris Siovas iyo weeraryahan Jorge Benitez ayaa laga yabaa inay seegaan kulankaan. Tababare Michel ayaana lagu qasbi karaa inuu bedelo Giannis Maniatis kaasoo ciyaaray labadii kulan ee wareega group-yada balse hal jaale u jira inuu ganaax ku maqnaado kulanka soo socda.

Dhanka kale kooxda Ateltico Madrid oo guul ka gaartay dhawaan Juventus ayaa garoonkeeda ku soo dhaweyn doonta kooxda reer Sweden ee Malmo.