Madaxweynaha Jubbaland oo kulamo ka wada magaalada Nairobi ee dalka Kenya

0
Friday November 29, 2019 - 13:26:48 in by salman abdi
  • Visits: 405
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Jubbaland oo kulamo ka wada magaalada Nairobi ee dalka Kenya

    Madaxweynaha Jubbaland oo kulamo ka wada magaalada Nairobi ee dalka Kenya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jubbaland oo kulamo ka wada magaalada Nairobi ee dalka Kenya

Madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] oo ku sugan magaalada Nairobi

 
 
Axmed Madoobe ayaa sacadihii ugu danbeeyay halkaa kula shiray safiirrada Caalamka uga wakiilka ah Soomaaliya oo ay ka wada hadaleen arrimo dhowr ha oo quseeya Jubbaland iyo doorashadii muranka badan dhalisay ee dhawaan ka dhacday magaalada Kismaayo.

 

Safiirada ay is arkeen madaxweynaha waxaa ka mid ah safiirka dowlada Denmark ugaga wakiil ah dalalka Soomaaliya, Kenya, Eritrea iyo Seychelles Mette Knudsen.     

Intii uu kulanka socda waxyaabihii ay isla soo qaadeen marka laga soo tago xaalada siyaasadeed ee Jubbaland sidoo kale waxaa ka mid ahaa doorashooyinka la  qorsheynayo in dalka Soomaaliya ka dhacdo sanadka 2020/2021.

Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa la shiray safiirka dowladda Ingariiska ee Soomaaliya, waxaana dhamaan mas'uuliyiinta ay is arkeen madaxweynaha Jubbaland isla soo qaadeen baahida loo qabo in la dhameeyo khilaafka baahsan ee u dhaxeeya Dowladda Dhexe ee Federaalka iyo Dowlad gobolleedyada oo ku xiran hannaanka geedi socodka qorshaha la doonayo in ku gaarto doorasho dadku ka qeybgalo.