10 sano kadib ergayga xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay oo tagaya Ethiopia

0
Monday December 02, 2019 - 13:14:12 in by salman abdi
  • Visits: 461
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    10 sano kadib ergayga xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay oo tagaya Ethiopia

    10 sano kadib ergayga xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay oo tagaya Ethiopia

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

10 sano kadib ergayga xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay oo tagaya Ethiopia Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan xorriyadda xagga aragtida iyo hadalka, David Kaye, ayaa maanta booqasho rasmi ah oo qaadandoonta todobo cishe ku tagaya Itoobiya.

 

David Kaye ayaa sheegay booqashadiisa inuu si gaar ah diirada ugu saari doono talaabooyinka ay qaaday Dowladda Ethiopia si ay u fuliso waajibaadka xuquuqul insaanka ee la xiriira xoriyada hadalka, oo ay kamid tahay ilaalinta saxafiyiinta.

Kaye, ayaa noqon doona wakiilkii ugu horreeyay ee Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqda aadanaha oo booqda Itoobiya muddo toban sano ah.

Wuxuu la kulmi doonaa mas'uuliyiinta dowladda, wakiillo ka socda garsoorka, saxafiyiin iyo wakiillada bulshada rayidka ah ee Addis Ababa iyo Bahir Dar.

Ergeyga Gaarka ah wuxuu u soo bandhigi doonaa natiijadiisa horudhaca ah suxufiyiinta inta lagu guda jiro shirkiisa jaraa'id uu qabanayo maalinta ugu dambeysa howlgalkiisa oo ku beegan 9ka Disembar.

Ergeyga Gaarka ah wuxuu warbixin dhammaystiran oo ku saabsan booqashadiisa ugudbindoono shirka Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay oo dhacaya June 2020.