Dowladda Soomaaliya oo baaq nabadeed kasoo saartay dagaalo ka socday gobolka Mudug

0
Monday December 09, 2019 - 13:26:08 in by salman abdi
  • Visits: 393
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Soomaaliya oo baaq nabadeed kasoo saartay dagaalo ka socday gobolka Mudug

    Dowladda Soomaaliya oo baaq nabadeed kasoo saartay dagaalo ka socday gobolka Mudug

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Soomaaliya oo baaq nabadeed kasoo saartay dagaalo ka socday gobolka Mudug Dowladda federalka Soomaaliya ayaa baaq nabadeed kasoo saaray dagaal haatan ka socda deegaano kuyaala bariga gobolka Mudug, halkaasi oo ay ku dagalaamayaan labo beelood oo muddo colaadi dhextaalay.

 

Afhayeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya Ismaaciil Oranje oo saxaafada u aqrinayay baaq kasoo baxay dowladda, ayaa sheegay dowladda Soomaaliya inay aad uga xun yihiin dagaalada halkaas ka socda.

Afhayeenku wuxuu sheegay inay socoto qaban qaabo ciidamo dowladda Soomaaliya udirayso degaanada lagu dagaalamayo. waxaa kale oo afhayeenku sheegay in dowladdu maxkamad soo taagayso cid kasta oo ku lug leh hurinta colaada dhulkaas ka taagan.

Ismaaciil Muqtaar Oronje, ayaa ugu baaqay odayaasha dhaqanka, culimada iyo masuuliyiinta degaanadaas inay u kacaan sidii loo qaboojin lahaa colaada halkaas ka taagan.

Dhinaca kale, wararkii ugu dambeeyay ee Hiiraan Online ka helayso dagaalka halkaas ka socda ayaa sheegaya in uu jiro khasaare isugu jira iyo dhaawac soo kala gaaray dhinacyada dagaalamaya.

Illaa iyo hadda lama xaqiijin tirada dhimashada iyo dhaawaca, waxaana sidoo kale dagaalku sababay barakac xoogan.