Madaxweyne Axmed Madoobe oo beesha caalamka kula kulmay magaalada Kismaayo

0
Tuesday December 17, 2019 - 16:51:19 in by salman abdi
  • Visits: 406
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo beesha caalamka kula kulmay magaalada Kismaayo

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo beesha caalamka kula kulmay magaalada Kismaayo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Axmed Madoobe oo beesha caalamka kula kulmay magaalada Kismaayo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Magaalada Kismaayo ku qaabilay wakiilka gaarka ah ee Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan Xubno ka socday Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo Urur Goboleedka IGAD.

Waxay ka wada hadleen Arimaha Doorashooyinka 2020, Khilaafka Dowlada Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah iyo cafinta daynta lagu leeyahay Soomaaliya iyo Dhamaystirka Dastuurka.

Madaxweyne Axmed madoobe ayaa sheegay khilaafka dowladda federalka iyo qaar kamid ah dowlad goboleedyada ka dhextaagan n uu yahay caqabad weyn oo ay dowladda federalku masuul ka tahay wixii ka yimaada.

Isagoo ka hadlayay dhamaystirka Dastuurka wuxuu sheegay in ay Dowlada Federaalku ka gaabisay in la dhamaystiro dastuurka taas oo ay ka dhasheen khilaafyo ay ahayd in lagu dhex xaliyo dastuurka isla markana qaabka hada ay u socoto ayna ahayn sidii loo baahna iyadoo aan laga qaybgalin xubnahii Dowlad Goboleedyadu ay xaqa u lahayeen.

Axmed Madoobe waxaa uu beesha caalamka u sheegay in doorasho qof iyo cod ah aanay dalka ka dhici Karin iyadoo aan la samayn tiro koob sax ah, dhamaystirka Dastuurka,Arimaha amaanka iyo wada hadalada Soomaaliland.

Waa kulankii ugu horeeyay ee madaxweyne Axmed iyo James Swan ku dhexmara magaalada Kismaayo tan iyo markii Axmed madoobe mar kale loo doortay madaxweynaha Jubbaland.