Sharciga Doorashooyinka Qaranka oo xaddidaya awoodda madaxweynaha ee soo xulashada qofka Ra'iisal Wasaaraha noqonaya

0
Thursday December 26, 2019 - 11:13:10 in by salman abdi
  • Visits: 596
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sharciga Doorashooyinka Qaranka oo xaddidaya awoodda madaxweynaha ee soo xulashada qofka Ra'iisal Wasaaraha noqonaya

    Sharciga Doorashooyinka Qaranka oo xaddidaya awoodda madaxweynaha ee soo xulashada qofka Ra'iisal Wasaaraha noqonaya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sharciga Doorashooyinka Qaranka oo xaddidaya awoodda madaxweynaha ee soo xulashada qofka Ra'iisal Wasaaraha noqonaya

Iyadoo Baarlamaanka Soomaaliya loo qeybiyay Sharciga cusub ee Doorashooyinka Qaranka heer Federaal oo aad moodo in uu yahay kan ugu hadal heynta badan marka la eego Siyaasada Soomaaliya iyo dooddaha ka dhax jira Golaha Shacabka.

Sharcigan ayaa mid ka mid ah qoddobada ku jira waxaa uu xaddidayaa awoodda madaxweynaha la doorto uu u leeyahay in uu si madax-bannaan u soo xusho qofka Ra’iisal Wasaaraha ka noqonaya xukuumadda cusub.

 

Madaxweynah la doorto ayaa xilka Ra’iisal Wasaaraha u maagacaabi doona shaqsi ka yimid Xisbiga ama Isbaheysiga ku guuleysta kuraasta ugu badan Aqlabiyadda Baarlamaanka ( 50%+1)

Sidoo kale qoddobada sharciga ku jira ayaa meesha ka saaraya hadal jeedinta musharixiinta iskood tanaasula maalinta doorashada iyo martisharafta kale iyo wax kasta oo u muuqan kara olole doorasho.

Nidaamka dalka ayaa lagu sheegay ama xukunka dowladda in uu noqonayo mid Baarlamaani ah iyadoo madaxweynaha ay si wadajir ah u soo dooranayaa labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Qoddobka ku saabsan in madaxweynaha la doorto ku qasbanaan doono in uu Ra’iisal Wasaaraha uu ka soo dhax magacaabo xisbiga ku guuleystay Kuraasta ugu badan ayaa meesha ka saaraya awooddii uu markii hore madaxweynuhu u lahaa in uu si iskii ah u soo xusho qofka Ra’iisal Wasaaraha noqonaya ee uu u arko in uu hoggaamin karo xukuumadda cusub.

Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guulleed Khadar ayaa dhawaan sheegay in madaxda sarre ee dalka wixii aragti ah oo ay ka qabeen doorashada ay ku uruuriyeen sharciga cusub ee la hadda horyaala Baarlamaanka oo lagu waddo in maalmaha soo socda loo codeeyo.