Guddoomiyaha barlamaanka Puntland oo gaaray gobolka Sanaag

0
Saturday December 28, 2019 - 14:10:28 in by salman abdi
  • Visits: 348
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha barlamaanka Puntland oo gaaray gobolka Sanaag

    Guddoomiyaha barlamaanka Puntland oo gaaray gobolka Sanaag

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha barlamaanka Puntland oo gaaray gobolka Sanaag Gudoomiyaha cusub ee barlamaanka Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa maanta gaaray gobolka Sanaag, gobolkaas oo dhawaan lagaga mudaharaaday maamulka Puntland.

Socdaalkiisa ayaa wuxuu ku saabsan yahay sidii uu usoo celin lahaa kalsoonii Puntland ay ku lahayd shacabka gobolkaas kadib markii dhawaan halkaasi uu ka dhacay mudaharaadyo loogasoo horjeeday xil ka qaadistii guddoomyihii hore.

Guddoomiye Cabdirashiid ayaa socdaalkiisa ka bilaabay degmada Dhahar, isagoo halkaas kala kulmay soo dhowayn, inkastoo degaanada qaarkood laga muujiyay diidmo.

Socdaalkiisa ayaa kusoo beegmaya, xilli saraakiil ciidan oo kasoo jeeda gobolkaas ay ka digeen waxay ugu yeereen faro gelin ay Puntland ku hayso kheyraadka degaankooda.