Dhalinyaro ambalaas afduubatay si uu saaxibkood daweyn u helo

0
Tuesday January 07, 2020 - 10:37:57 in by salman abdi
  • Visits: 345
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhalinyaro ambalaas afduubatay si uu saaxibkood daweyn u helo

    Dhalinyaro ambalaas afduubatay si uu saaxibkood daweyn u helo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhalinyaro ambalaas afduubatay si uu saaxibkood daweyn u helo

Koox dhalinyaro ah ayaa gudaha u galay istibitaal ku yaal Naples kadibna mid ka mid ah shaqaalaha ayay ku khasbeen inuu gaari ambalaas uu xoog ku kaxeeyo si loo soo qaado saaxibkood oo uu jilibka dhaawac ka soo gaaray sida ay sheegeen dhakhaatiir Talyaani ah.

Wiilasha ayaa waxay bartilmaameedsadeen qeybta amarjanisiga si saaxibkood dhakhaso loo soo qaado oo uu daweyn u helo.

Ma cadda in dhalinyarada ay markii hore soo weceen ambalaaska waxaana dhacdadaan lagu baahiyay barta Facebook.

Koox dhaliyaro ah ayaa waxay soo galeen qolka amarjanisga waxayna xoog ku kaxaysteen qof shaqaalaha ka tirsan oo ay xoog ku saareen ambalaaska.

Marki uu gaariga yimaaday goobta waxaa durbadiiba isku weegaaray koox dhalinyaro careysan oo meesha sii joogtay.

''Dhakhaatiirta oo ka cabsiqabtay in xaaladda wiilka ay aad u liidato ayay la yaab ku noqotay markii ay arkeen wiil 16sano jir ah oo uu dhaawac yar jilibka ka soo gaaray.''

 
Dhalinyaro qaxooti ku ahaan jiray Dadaab oo nolol cusub uga bilaabatay Kismaayo

Sida lagu sheegay Facebook shaqaalaha gaariga ambalaaska ayaa dadkii meesha ku soo xoomay u sharaxay in dhaawaca wiilka uu yahay mid aad fudud balse marlabaad ayaa loo caga juleeyay si uu isbitaalka u geeyo oo loo daweeyo.

Dhacadadaan oo ka dhacday isbitaalka Loreto Mare ayaa la xalliyay ka dib markii wiilka lagu daweeyay isla goobtii uu ku sugnaa.

Manuel Ruggiero oo madax u ah urur lagu magacaabo NTH ayaa soo jeediyay in sare loo qaado amniga isbitaalada Talyaaniga.

''Haddii ay suurogal noqoni weyso in boolis la geeyo isbitaalada, gaar ahaana qeybta amarjansiga, waxaa khatar geli kara ammaanka shaqaalaha caafimaadka'', ayuu Manuel Ruggiero u sheegay wakaaladda wararka ee Ansa.