Kongreska oo u codeeyay in la xadido awoodda uu Trump ee dagaalka

0
Friday January 10, 2020 - 11:21:28 in by salman abdi
  • Visits: 386
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kongreska oo u codeeyay in la xadido awoodda uu Trump ee dagaalka

    Kongreska oo u codeeyay in la xadido awoodda uu Trump ee dagaalka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kongreska oo u codeeyay in la xadido awoodda uu Trump ee dagaalka

Aqalka kongreska ee dalka Mareykanka ayaa u codeeyay qaraar lagu xadidayo awoodda milateri ee madaxwyene Trump uu u leeyahay in uu dagaal ku qaado Iran.

Qaraarkan ayaa waxaa isku raacay inta badan xildhibaanada kongreska, inkastoo aanan wali loo gudbinin aqalka sare oo ay ku badan yihiin xisbiga Jamhuuriga.

Tallaabadan ayaa looga golleeyahay sidii uu madaxweyne Trump kongreska ugu soo wargelin lahaa tallaaba walba oo milateri oo ka dhan ah Iran, waxaase laga reebay hadii Iran ay weerar kuso qaado Mareykanka, taas oo uu madaxweynaha xaq u leeyahay in uu iclaamiyo dagaal.

Dalalka Mareykanka iyo Iran ma aanay shaacinin dagaal milateri oo dhexmara, inkastoo Iran ay sheegtay in weerarkii dhawaan ay ku qaaday saldhigyada Mareykanka ee Ciraaq uu bilaw u ahaa tallaabooyin milateri oo ay damacsan tahay.

Kongreska Mareykanka ayaa cuskaday xeerkii awoodaha dagaalka ee sanadkii 1973, kaaso aqalka kongreska awood u siinaya in ay eegaan awoodda u madaxweynaha uu u leeyahay in uu dagaal iclaamiyo.

Haseyeeshee waxaa wali taagan su'aalo la xiriiro dhanka sharciyadda, taas oo ah in kongreska uu cuskan karo qododbkaas.

.Lahaanshaha sawirkaEPA
Image captionTrump

Afhayeenka aqalka kongreska, Nancy Pelosi ayaa markii Mareykanka uu dilay Qasem Suleimani waxay sheegtay in aysan aaminsaneyn in Trump uu nabadgelyo kusoo dabaalay Mareykanka.

Balse Trump oo ka hadlay qaraarkan ay u codeeyeen kongreska ayaa sheegay in uu rajeynayo in xisbiga Jamhuuriga ee uu ka tirsan yahay ay qaraarkan ku gacan seyri doonaan.

Arrinta ayaa timid kadib markii Iran ay weerartay saldhigyada Mareykanka ee gudaha dalka Ciraaq.

Trump ayaa sheegay in aysan jirin dad Mareykan ah oo wax ku noqday weerarkaas, burbur aan weyneynna uu soo gaaray xarumahaas. Wuxuu Trump sheegay in Iiraan ay u muuqato inay dib u dageyso oo ay nafistay.

Mar uu la hadlayay warbaahinta ayaa madaxweynaha Mareykanka waxaa kale oo uu sheegay in Iiraan ay hadda dib u dagtay, maadaama ay beegsatay saldhigyada ciidamada Mareykanka.

Xukuumadda Washington ayaa sidoo kale sheegtay in cunaqabateyno hor leh ay kusoo rogeyso Iran, si looga jawaabo tallaabada aargoosiga ah ee ay qaadday xukuumadda Tehran.

.Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionGantaalada ay Iran riday

Trump ayaa dhinaca kale dalalka Midowga Yurub, Ruushka, iyo Shiinaha ka dalbaday inay ka baxaan heshiiskii nuclear-ka ee Iiraan, kaasoo uu dhawaan Mareykanku laalay.

In ka badan 10 gantaal oo laga soo riday gudaha Iiraan ayaa lagu garaacay labo saldhig oo ay ciidamada Cirka ee Mareykanku ku leeyihiin magaalooyinka Irbil iyo Al Asad, oo dhinaca galbeed ka xiga caasimadda Baqdaad ee dalka Ciraaq.

Weerarradaas ayaa dhacay habeenimadii ay talaadada sii baxeysay, Arbacaduna soo galeysay.Dhowr gantaal oo kale ayaa ku dhacay meelo masaafe u jira goobihii uu bartilmaameedku ahaa.

Weerarradan ay Iiraan fulisay ayaa yimid saacado yar ka dib markii la aasay Qasem Soleimani, oo ahaa taliyihii ciidamada Iiraan ee bariga dhexe.

Waxay noqoqnayaan kuwii ugu horreeyay ee ay Iiraan si toos ah ugu qaadday Mareykanka, tan iyo qabsashadii safaaradda Mareykanka ee Tehran, sanadkii 1979-kii.