Britain Oo Caro Ka Muujisay Xadhiggii Ay Iiraan U Geysatay Safiirka UK Ee Tehran

0
Monday January 13, 2020 - 11:56:11 in by salman abdi
  • Visits: 360
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Britain Oo Caro Ka Muujisay Xadhiggii Ay Iiraan U Geysatay Safiirka UK Ee Tehran

    Britain Oo Caro Ka Muujisay Xadhiggii Ay Iiraan U Geysatay Safiirka UK Ee Tehran

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Britain Oo Caro Ka Muujisay Xadhiggii Ay Iiraan U Geysatay Safiirka UK Ee Tehran
Safiirka UK Ee Tehran Britain ayaa cambaareysa xarigii ay Iiraan u gaysatay safiirka UK u fadhiya Tehraan.
Xukuumadda Britain ayaa ku tilmaamtay xarigga safiirka in ay tahay mid "si ula kac ah loo jabiyay shuruucda caalamiga ah.



Rob Macaire ayaa la xiray ka dib markii uu ka qayb galay goob baroor-diiq loogu samaynayay dadkii ku dhintay diyaaraddii rakaabka ee ay soo rideen militariga Iiraan.


 

 

Safiirka ayaa goobta isaga tagay ka dib markii ay baroor-diiqaasi uu rabshad isu badalay,balse ciidamada ammaanka Iiraan ayaa xiray iyaga oo ku eedeeynaya in uu gacan ka gaystay qaban-qaabada dibadbaxaasi.


Qoraal uu bartiisa tweetarka soo dhigay , Mr Macaire waxa uu beeniyay in uu dibadbaxa ka qayb qaatay.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Britain Dominic Raab ayaa cambaareeyay xarigiisa.


Mr Macaire ayaa sheegay in uu ka qayb galay goobta ubaxyada la dhigayay ee baroor-diiqdu ka soctay isalmarkana "ay caadi tahay in laga qayb galo goobtaasi lagu xusuusanayay dadkii diyaaradda ku dhintay.

Waxaa uu intaa daray in dadka diyaaradda ku dhintay ay ka mid ahaayereen dad u dhashay UK.


Rob Macaire ayaa xusay "in xarig loo gaysto dublamaasiyiinta ay sharci daro ka tahay dhammaan dalalka caalamka."


Boqollaal dibadbaxayaal ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka caasimadda Iran, ee Tehran, iyagoo muujinaya caro ay u qabaan dowladda, uguna yeeraya beenaalayaal inkiray inay soo rideen diyaarad rakaab ay saarnaayeen oo laga leeyahay dalka Ukraine.


Xoghayaha ammaanka ee Britain Brandon Lewis ayaa sheegay in xarigga loo gaystay safiirka Uk ay tahay"mid aan gabi ahaanba la aqbali Karin " islamarkana jabinaysa cahdigii Vienna 1961.


Heshiiskaasi ayaa dhigaya, in dublamaasiyiinta aan la xiri Karin islamarkana xagfiiska arrimaha dibadda ee Britain ayaa waxa ay doonayaan in xarigga safiirka sharaxaad buuxda laga bixiyo