KU CIBRO QAADO SANADKA TEGAY, OGOWNA SANADKA CUSUB EE HIJRIYADA 1436

0
Saturday October 25, 2014 - 10:35:39 in by Super Admin
  • Visits: 2249
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    KU CIBRO QAADO SANADKA TEGAY, OGOWNA SANADKA CUSUB EE HIJRIYADA 1436

    Waxaynu sagootinay sanad dhamaaday ,waxaynu bilownay sanad cusub, sanadkaas inaga tegay wuxuu inagala tegay wixii aynu shaqaysanay ee xumaan iyo samaan labadaba ahaa,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaynu sagootinay sanad dhamaaday ,waxaynu bilownay sanad cusub, sanadkaas inaga tegay wuxuu inagala tegay wixii aynu shaqaysanay ee xumaan iyo samaan labadaba ahaa,
waynu ilownay sanadkaas inaga tegay wixii aynu qabsanay ama aynu samaynay, laakiinse Alle swt ma iloobin
wuu inoo qoray wixii aynu qabsanay waxaa lagu qoray kitaab aan dhaafin
camal yar iyo mid wayn toona, waynu mooganahay wixii aynu soo
shaqaysanay sanadkaas laakiin waxaa dhici doonta in sida Ilaahay swt
inoo sheegay qofka marka kitaabkiisa la siiyo qiyaamaha wuxuu
odhanayaa waa maxay kitaabkan aan dhaafin wixii aan shaqeeyey een
waxbaba dhaafin.
Sanad ayaa ina dhaafay sida hilaaca oo kale si degdega inagu dhaafay
laakiin ogaada ma tegin xaga qoraalka Illaahay agtiisa ayaa ay inoo
taalaa wixii aynu qabanay.
Illaahay ayaa dadka waydiin doona qiyaamaha: waqti intee le’eg ayaad
joogteen aduunka? Intee aduunka soo joogteen intee wax cunayseen intee
wax cabayseen intee raaxasanayseen? Waxay ku jawaabayaan aduunka
waxaan joognay maalin ama maalin badhkeed. Waydii cida wax tirisa
sidaas ayay ku jawaabayaan , waqtigii ay ku noolaayeen aduunka ayaa la
ah maalin ama maalin badhkeed.
Wuxuu Alle swt inoogu manno sheegtay cimriga iyo waqtiga uu ina siiyey
si aynu cimrigaas uga faa’iidaysano wuxuu yidhi Alle swt: miyaanan
idin siin cimri , waqti uu ku waano qaato qofkii waano qaadanayaa,
miyaanay idiin iman digniintii anbiyadii miyaanay idiin iman?
Ogow walaal cadceeda iyo dayaxa waxay ku socdaan xisaab iyo qadar
xisaabtaasina waa kugu markhaati, subax kasta oo waagu beryo wuu
dhawaaqaa oo wuxuu yidhaahaa: ina nebi aadanow waxaan ahay maalin
cusub tii shalay ma ihi , waxaan kugu ahay markhaati camalkaaga hubso
kana faa’iidayso waqtiga.
Walaalkayoow, qofkii ku soo dhameeyey cimrigiisa ciyaar ee sanadkaas
tegayna ku sagootiyey , dib ma u baadhay wixii aad qabatay sanadkii
kaa tegay ,bugaagii dib ma u baadhay, dib ma u xasuusatay wanaagii aad
qabatay iyo xumaantii aad samaysay,
Walaahi qof walba waxaa la soo hortaagayaa Illaahay swt Illaahay
wuxuu yidhi: waad imanaysaan Illaahay hortiisa idinkoo keli keli ah
sidii aan idiin abuurnay markii hore, aduunyadana waxaad kaga
timaadeen wixii aad shaqaysateen ee aduunyo ah.
Waxaa Illaahay hortiisa muuqanaya wax kastoo aynu samaynay xumaantii
ayaa muuqanaysa wanaagii sidoo kale wuu muuqdaa,
Sanad ayaa ina dhaafay intii ciyaaraysay ay ku dhaaftay ciyaar intii
mukhlisiinta ahaydna ka faa’iidaysteen.
Waqtigeena waa inaan ilaalinaa sidii nebigeenuba scw waqtigiisa u
ilaashan jiray ugana faa’iidaysan jiray wuxuu yidhi Iimaamu ibnu
qayim: wuxuu ahaa Rasuulkeenu scw mid Illaahay xusa waqti kasta haduu
safar ku jiro haduu neg yahay haduu soconayyo haduu fadhiyo,
habeenkiisa iyo maalintiisa waqti kasta wuxuu badin jiray xuska Alle swt.
Marka ay sidaas tahay waa inaan ku dayano xabiibkeena oo habeen iyo
maalinba ka faa’iidaysanaa.
Sanadkan cusubna waa inaan kordhinaa wanaaga oo ka faa’ii daysanaa
camalo wanaagsana shaqaysanaa .
Oday somaaliyeed ayaa yidhi:
Hadaan gu’ga kuu kordhaa gabow mooyee ku tarin garaad iyo waayo arag
ogow ma gudbaad tahee.
Ma gudbe waa qofka dhaca imtixaanka walaalayaal yaynaan noqon ma
gudbayaal ku dhaca imtixaanka qabriga iyo qiyaamaha.



Qalinkii:

Hussein Jama Guudcade.
Diintuwaanasteexo1@gmail.com
http://diintuwaanasteexo.blogspot.com/