Dab-damis 2aad oo Madaarka Cigaal loo Soo Iibiyey iyo Wasaaradda Duulista oo ka Hadashay +SAWIRO

0
Saturday October 25, 2014 - 17:06:53 in by Super Admin
  • Visits: 994
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dab-damis 2aad oo Madaarka Cigaal loo Soo Iibiyey iyo Wasaaradda Duulista oo ka Hadashay +SAWIRO

    Wasaaradda Duulista Hawada iyo gaadiidka cirka Somaliland ayaa ka hadashay Dabdamis Cusub oo casri ah oo loo soo iibiyey Madaarka Cigaal ee Caasimada Hargeysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda Duulista Hawada iyo gaadiidka cirka Somaliland ayaa ka hadashay Dabdamis Cusub oo casri ah oo loo soo iibiyey Madaarka Cigaal ee Caasimada Hargeysa.


War Saxafadeed uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Wasaaradda Duulista Saddam Maxamed Axmed oo laga hadlay dabdamiskan ayaa sidoo dhamayn tiran u dhignaa sidan:-

 War Saxaafadeed

" Wasaaradda Duulista Hawada iyo gaadiidka cirka Somaliland oo in muddo ah ku hawlanayd sare u qaadida amaanka, iyo tayeynta badqabka Madaarka caalamiga ah ee Cigaal Airport ayaa keentay Dab damis labaad oo tayadiisu ay sarayso.

Gaadhigani dabdamiska ah, oo ah nooca loogu tallo galay in lagu bakhtiiyo wixii dab ah ee ka kaca Diyaaradaha madaarka adeegsada iyo dhismayaasha Madaarka ayaa hada soo gaadhay Garoonka Cigaal, isagoo bilaabay shaqadii loogu tallo galay.

Dabdamiskani oo darajadiisu tahay Heerka Sagaalaad (Category 9 Rescue) ee gaadiidka la dagaalama dabka, iyo mid kale oo Xukuumadda Somaliland hore u soo iibisay lana soo bandhigay Bishii Sideed ee sanadkan, ayaa waxa ay wax weyn ka tari doonaan baahihi weyn oo Madaarka Cigaal uu qabay sare u qaadida Badqabka Garoonka, iyaga oo geesta kalena kordhindoona Dajrada madaarkeena ee qiimaynta Hay’ada ICAO.

Sidoo kalena Wasaaradda Duulista Hawada iyo gaadiidka cirka Somaliland ayaa wada tababaro lagu tayeynayo hawladeena la tacaalida dabka, tababaradaas oo looga danleeyahay in sare loogu qaado aqoonta ay shaqaalahaasi u leeyihiin la dagaalanka dabka, iyo adeegsiga gaadiidka casriga ah ee la keenay.”

Daawo Dab Damisyada Cusub

1454904_1535247296692556_1656061901278700398_n10177362_1535247546692531_1187492035163548265_n10269524_1535247310025888_2342410934244545564_n10269524_1535247460025873_8377369423127822112_n10411093_1535247486692537_4069636695430064338_n10411184_1535247363359216_4455540490901321470_n10542037_845452215475323_6863509065228824640_o10563045_1535247303359222_9164154697990914993_n10615435_1535247360025883_8391405732833007316_n10625085_1535247350025884_1615353495811673395_n10628123_1535247456692540_3328849717418489877_n

ALLA MAHAD LEH.

 Saddam Maxamed Axmed

Afhayeenka Wasaaradda Duulista Hawada & Gaadiidka Cirka JSL