"Waanu Ka Diyaar-garownay Cudurka EBOLA" Wasiirka Caafimadka JSL Dr. Xaglatoosiye

0
Saturday October 25, 2014 - 18:17:48 in by Super Admin
  • Visits: 855
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Waanu Ka Diyaar-garownay Cudurka EBOLA" Wasiirka Caafimadka JSL Dr. Xaglatoosiye

    Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed Xaglatoosiye ayaa ka hadlay u Diyaar garowga wasaaradiisa ee ka hortaga iyo la tacaalida Cudurka halista ah ee EBOLA.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed Xaglatoosiye ayaa ka hadlay u Diyaar garowga wasaaradiisa ee ka hortaga iyo la tacaalida Cudurka halista ah ee EBOLA.


Wasiir Saleebaan Xaglatoosiye oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa sidoo kale sheegay inay Madaarka Cigaal uu ka mid yahay goobaha looga diyaar garoobay la tacaalida xanuunkaasi waxaana uu hadalkiisa ku bilaabay "ALLE inaguma keenee, Ka wasaaradda ahaan iyo ka Xukuumad ahaan waanu ka diyaar garowanay cudurka EBOLA, laba qorshe ayaanu leenahay, mid degdeg ah, iyo qorshe wakhtiga dheer ah, qorshaha degdega ah oo hada aanu fulintiisii wadno waxaanu ku taloo galnay, in 53 goobood oo dalkeena laga soo galo, oo isugu jira Cirka, (madaaradda), bada iyo dhulka oo aynu xuduudo kala leenahay Jabuuti, Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaanu tababar siinay dhamaan shaqaalaha meelaas, waxaanu keenay dhamaan qalabkii lagu eegayey xumada dadka, Madaarka Hargeysa meel u dhowna waxaanu dhignay teendhooyin.”


Wasiirka caafimaadka oo hadalkiisa sii wata ayaa ka war bixiyey adeegyo ay ku diyaariyeen madaarka caasimada Hargeysa oo lagu baadhayo dadka looga shakiyo cudurkka Ebola waxaanu yidhi "Waxaanu samaynay Foomam qofku marka uu soo dago lagu buuxinyo, oo inta aanu Laanta socdaalkaba gaadhin lana baadhayo, oo qofkii laga shakiyana dhinaca loo duwayo, ka kalena uu hawshiisa wadanayo oo uu dalka soo galayo, qofkii aan muwaadin ahayn ee cudurkaas looga shakiyo waala celinayaa, qofkii ka yimaada, ama bilihii ugu sambeeyey ku sugnaa meelahaas uu cudurku ka jirana, toos ayaa loo celinayaa.” Ayuu yidhi wasiirka caafimaadka Somaliland

Sidoo kalena Wasiirka Caafimaadka Somaliland ayaa sheegay inay tababaro u fidin doonaan hawlwadeena, kala duwan ee ka hawl gala Madaarka Cigaal, waxaanu yidhi "waxa kale oo aanu tababar siinaynaa, hawladeena Laanta socdaalka iyo Shaqaalaha Wasaaradda Duulista ee Madaarka ka hawl gala, si ay ogoaaladaan halista uu cudurku leeyahay naftoodana ugu ilaaliyaan EBOLA.” Ayuu yidhi Dr. Saleebaan Xaglatoosiye. 




Contact@afkashacabka.com