Puntland iyo Dawlad Deegaanka Soomaalida oo iska kaashanaya Amaanka iyo hormarinta dhaqaalaha

0
Monday January 20, 2020 - 12:06:05 in by salman abdi
  • Visits: 459
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland iyo Dawlad Deegaanka Soomaalida oo iska kaashanaya Amaanka iyo hormarinta dhaqaalaha

    Puntland iyo Dawlad Deegaanka Soomaalida oo iska kaashanaya Amaanka iyo hormarinta dhaqaalaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Puntland iyo Dawlad Deegaanka Soomaalida oo iska kaashanaya Amaanka iyo hormarinta dhaqaalaha Wafti kasocday Dawlad Goboleedka Puntland ee Soomaaliya ayaa dhawaan marti qaad ka helay Dawlada Deegaanka Soomaalida, gar ahan Gobolka Doollo xaruntiisa Wardheer.

 

Wafti Puntland ka socoday oo ah heer wasiirro, xildhibaano iyo sarakiil wasaaradda Amniga Puntland, ayna kamid ahayeen wasiirka arrimaha gudaha, wasiir qorshaynta, Guddoomiyaha Gobolka Cayn, ayaa marti qaad rasmiya ka helay Dawlad Deegaanka Soomaalida waxayna 13, Janaayo 2020, gareen Wardheer iyagoo ka bilaabay Booqashadoodii Koowaad Santarka Qalloocan, waxay shirar ballaaran layeesheen mas,uuliyiinta kasocoday (DDS) oo uu Hoggaaminaayo Guddoomiyaha Gobolka Doollo.

Shirar muhiima kuna sabsana Arrimaha Amniga iyo dhaqaalaha ayaa Wardheer ka furmay 14, Janaayo 2020, waxayna socdaan 14, ilaa 16.

Dhanka Puntland waxaa Shirarka ka qeyb galay wafti heer sare oo isgu jiray wasiirro Xildhibaano iyo Sarakiil Ciidan, Wasiirka Arrimaha gudaha dimuqradiyeynta iyo fadaralka Puntland Cabdiraxmaan Maxamad Dhabanacad, Wasiirka Qorshaynta xiriirka caalamiga iyo hormarinta dhaqaalaha, Wasiirka Ganacsiga, iyo mas,uuliyiin kale ayaa dhanka Puntland Shirka uga qeyb galay.

Dhanka dawlad Deegaanka Soomaalidana waxaa shirka qeyb galay Mas,uuliyiin heer Federal iyo Heer Deegaan ah.

Arrimaha laga wada hadlay ayaa u badna Iskaashiga arrimaha Amanka, iyo Ganacsiga waxana aad looga wada hadlay xoojinta xiriirka wadashaqeyneed ee dhanka Amaanka, joojinta Dadka isticmaala Hubka Sharci darrada, tahriibta iyo la daggaalanka Mukhaadiraadka.

Waxaa kale oo jira Shirar lagu ballamay inay qabsoomi doonaan watiyada sosocda.