Siyaasi Ka Tirsan Xisbiga KULMIYE Oo Murashax Madaxweyne Kaga Dhawaaqay MUQDISHO

0
Monday January 20, 2020 - 12:34:01 in by salman abdi
  • Visits: 476
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasi Ka Tirsan Xisbiga KULMIYE Oo Murashax Madaxweyne Kaga Dhawaaqay MUQDISHO

    Siyaasi Ka Tirsan Xisbiga KULMIYE Oo Murashax Madaxweyne Kaga Dhawaaqay MUQDISHO

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasi Ka Tirsan Xisbiga KULMIYE Oo Murashax Madaxweyne Kaga Dhawaaqay MUQDISHO

Proff Osman Abokor dubbe Wuxuu ku sigtay Inuu noqdo Agaasimaha guud ee Madaxtooyadda JSL

Maalintii iigu danbaysay waxaanu ku kulanay Hotel Bacaddo oo Magaaladda Hargeysa ku yaal, Waxaa iigeeyay amintaa oo nagu sadex ahaa Xildhibaan siciid Raage wuxuu ahaa nin aqoonyahan ah oo aad iyo aad loo hadal hayo kuna qanacsan guusha Xisbigoodu gaadhay, Sidoo kale wuxuu ahaa nin aad iyo aad ugu faraxsan in M/weyne uu noqdo M/weyne Biixi intaasoo keliya maaha ee wuxuu ahaa Cisman nin ku seexday ku soo toosay in Madaxweyne Muuse umagacaabayo Xil shilis isagoo isu arkayay nin mudan Inuu madax kanoqdo JSL

Prof Cismaan Abokor wuxuu aaminsanaa laba qodob oo siyaasi ah kuwaasoo yididiilo u ahaa hankiisa waa qodobka hore'e

Proff Cismaan wuxuu aaminsanaa Shikhsiyan in uu Fikir iyo wakhti geliyay hal-abuurkii najaxay ee horseeday Guushii kulmiye jantay, gaar ahaan "Boogii Barnaamijkii Xisbiga Kulmiye"

Hadii uu sifahaa iyo dadaalkaa waxba uu ku waayo Marka xigta prof Cismaan wuxuu aaminsanaa in beeshiisu todobaatan kun oo cod siisay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi islamarkaana aanu sinaba u halmaami doonin,

Waxaa iswaydiin mudan Cismaan Beesha uu farahooda xisaabsaday, Xisbiga kulmiye Siyaasi isaga udhigma uguma jirin miyaa!!?

 

#Haawuu ugu jiray weliba waxaa ugu jiray siyaasiyiinta kuwa ugu magaca dheer guud ahaan Somaliland iyo xisbiga kulmiye sida Ex Wasiir Cali Mareexaan, Wasiir Max'ed Kaahin Xildhibaan Obama ,Ex wasiir Riyo raac , Ex wasiir Ubaxle, Aqoonyahan Khaliif Xiinwaal , iyo rag kale oo badan, ku waasoo xilal qaran Xilligan Xukuumadda Madaxweyne Biixi kahaya,

 

proff Cismaan wuxuu isagu sigaara islahaa hadii M/weyne muuse Biixi ka tago Wasiir Cali Mareexaan kollayba waxaad tahay nin ninkaa booskiisa buuxinaya, Marna siyaasigani ismuu odhanin muj, Maxamed Kaahin Axmed ayaa noqonaya wasiirka metela adiga iyo beeshaadaba.

Markii Maxamed Kaahin noqday wasiirka wuxu Cismaan ku niyadsamaa inuu noqonayo Agaasimaha guud Madaxtooyada Somaliland ,
Waxaana jirijirtay in xog aan lahubin Hargaysa kufaaftay taasoo ifafaalo unoqotay Cismaan in uu yahay Ninka Madaxweyne Muuse Biixi , uxushay Xilka Agaasimaha guud JSL xilligaa shacab badan ayaa ugu duceeyay xil iyo mansab uguna tahniyadeeyay sad maqan

Osmaan wixii intaa kadanbeeyay talo ayuu isugu noqday waxaana uu go'aansaday inuu Muqdisho Saldhig siyaasadeed kadhigto maadaama uu curinta aragtiyaha uu ku xeel dheera Nin wax bartayna uu ahaa wuxuu ka fekeray sida keliya ee uu Xamar ku joogikaro hadii xariijin gaadhana uu dhiigiisu macno uyeelan karo, waana ta salka u ah in uufurto Xisbi aan Hubaysnayn,

Proff Cismaan wuxuu Xamar kaga dhawaaqay inuu kanoqday guud ahaan wixii uu aaminsana ee ay uwaynayd jiritaanka dalkiisa Somaliland

Prof osmaan Wuxu guntiga uxidhay burburinta jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland isagoo kasoo jabhadayn doona Caasimadda Somalia,

Prof Cismaan Colaad shacab inuu gudoonto laba arimood uun baa sal u ah siday ila tahay
waa inuu Cismaan ahaa nin mansab doon ah oo kulmiye qadiyay kadibna dabaysha raacay ama waa inuu ahaa nin awalba aaminsanaa in Caasimadiisu tahay Muqdisho hadeerna ka badheedhay,


Abdisataar Sabri