Laaca aragtaye laaga ma ogtahay WQ: Saleban Khayre

0
Saturday October 25, 2014 - 18:56:41 in by Super Admin
  • Visits: 1536
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Laaca aragtaye laaga ma ogtahay WQ: Saleban Khayre

    KHILAAFKA GOLAHA WAKIILADA SL WAA XEELAD SIYAASADEED OO XUKUUMADU KA DANBAYSO

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

KHILAAFKA GOLAHA WAKIILADA SL WAA XEELAD SIYAASADEED OO XUKUUMADU KA DANBAYSO


Laaca aragtaye laaga ma ogtahay

Sida ay sheegeen shaksiyaad u dhuun daloola Madaxtooyada Somaliland waxa u qorshaysnayd Xukuumada in Golaha wakillada Somaliland doorashadoodu qabsoonto 15/02/2015, kadibna ay Xukuumada taladahaysana Guurtidu u kordhiso Muddo 2 sanno ah. Iyadoo Qiil GUURTIDU uga dhigaysa inaan Dalku laba doorasho geli Karin Sanad gudihii. Haddaba waxay arrintaasi fashilantay markii golaha Wakiiladu ay cod aqlabiyad ah ku meel mariyeen in doorashada Golaha Wakiilada iyo ta Madaxtooyada Mar lawada Qabto, waxayna arrintaasi sabatay in Madaxweyne Siilaanyo ka tanaasulo Musharaxnimadii jagada Madaxweynenimo, intaa kabacdi, Gudoomiyaha Golaha Guurtida ayaa madaxweynaha kula taliyey Qorshaha manta socda oo ah Xeelada SIyaasadeed oo Xukuumada loogu kordhinaayo 2 sanno. Qorshahanina waxa weeye " waxa ay xukuumadu dhaqaale Xoogan ku bixinaysaa sidii Guddoomiyaha Golaha wakiilada Xilka gudoomiyenimo looga qaadi lahaa. Intaas kadib waxa ay Xukuumadu dhabarka taaban doontaa Saddex MUSHARAX oo u tartamaya Gudoomiyaha Golaha Wakiilada oo kala ah Baashe Maxamed Faarax, Bukhaari iyo Maxamed Maxamuud Cumar Xaashi. Iyada oo mid walbana loo dhiibayo waxoogaa Qarash ah oo uu ku galo tartanka Guddoomiyenimada. Waxaana dhici doonta in Golaha Wakiiladu u qaybsami doono 4 kooxood oo kala Saddexda Musharax iyo Kooxdii Gudoomiye Cirro la socotay. Waxaana dhici doonta in golaha wakiilada fadhigoodu oo adkaan doono.

Intaas kadib, Xukuumadu iyada oo aan u kala eegin Muxaafid iyo Mucaarid waxa ay golaha wakiilada ku eedayn doontaa inay gudanwaayeen waajibaadkoodii ay qaranka u hayeen waxaana uu madaxweynuhu u gudbin doonaa Maxkamada sare Dacwad uu kukala dirayo Golaha Wakiilada, waxa kale oo uu ku dhawaaqi doonaa in la qabto Doorashada Golaha Wakiilada 15/02/2014. Waxa kale oo uu wakhtiga uu u kordhin doonaa komishankii hore si ay doorashada Golaha wakiilada u qabtaan, Maadaama aan komishanka cusub goluhu ansixin. Markaa waxaa halkaa ku hirgeli doona qorshihii u degsanaa xukuumada.

Haddaba haddii ay arrintaasi dhacdo miyaanay Golaha wakiilada gaar ahaan kooxda muxaafadka ah ku noqonayn ‘LAACA ARAGTAYE LAAGA MA OGTAHAY’ IYO ‘COSOBSAAN IS LAHAAYE MA CEEBAA IGA RAACDAY’

 

Saleebaan Ibrahim Mohamuud

Burco Somaliland

khayreibrahim@outlook.com