
Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Safiirrada Caalamka oo ka wadahadlay Arrimaha Doorashooyinka
Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare BFS iyo Guddiga Hinddise Sharciyeedka Doorashooshinka Qaranka u xilsaaray Aqalka Sare ayaa kulan Wadajir ah waxa ay la yeesheen safiirada beesha caalamka u fadhiya Soomaaliya ,
Dhinaca kale Guddiga Hinddise Sharciyeedka Doorashooshinka Qaranka u xilsaaray Golaha Aqalka Sare ayaa kulan la qaatay guddiga doorashooyinka Qaranka,Goobta kulanka ka dhacayay ayaa qodob qodob loo dul istaagay Hinddise sharciyeedka Doorashooshinka qaranka ,
Kulanka markuu soo gaba gaboobay ayaa warbaahinta Qaranka waxaa la hadashay Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil (Xaliima Yarey) waxa ay sheegtay in Guddiga ay sharxeen qodobada hinddise sharciyeedka , 2021 loo balansan yahay in dalka ay ka dhacdo doorasho ,
Sen, Maxamed amiin Sheeq Cusmaan guddoomiyaha Guddiga Hinddise sharciyeedka Doorashooshinka Qaranka u xilsaaray Golaha Aqalka Sare ayaa sheegay in ay wadaan latashiyo iyo xog uruurin dhanka hindise sharciyeedka doorashooyinka sanad ka dib lagu wado in ay dalka ka dhacaan.





0 

Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Safiirrada Caalamka oo ka wadahadlay Arrimaha Doorashooyinka
Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Safiirrada Caalamka oo ka wadahadlay Arrimaha Doorashooyinka