Real Madrid Oo Caawa Ku Caweysay Santiago Bernabeu Kuna Jiidjiiday Barcelona, Xili Ay 3:1 Ku Garaacday Iyo Xogaha kuduugan kulankaas +daawo sawirada

0
Saturday October 25, 2014 - 21:12:02 in by Burco Office
  • Visits: 1272
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Real Madrid Oo Caawa Ku Caweysay Santiago Bernabeu Kuna Jiidjiiday Barcelona, Xili Ay 3:1 Ku Garaacday Iyo Xogaha kuduugan kulankaas +daawo sawirada

    Real Madrid ayaa gurigeeda Santiago Beranbue ku dubatay kooxda Barcelona oo marti ugu ahayd, Real Madrid ayaana shabiqii sideeda kulan nadiifta ahaa ee Claudio Bravo saddex gool gosha u galisay. Real Madrid ayay goolasha u kala dhaliyeen Cristiano Ro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Real Madrid ayaa gurigeeda Santiago Beranbue ku dubatay kooxda Barcelona oo marti ugu ahayd, Real Madrid ayaana shabiqii sideeda kulan nadiifta ahaa ee Claudio Bravo saddex gool gosha u galisay. Real Madrid ayay goolasha u kala dhaliyeen Cristiano Ronald,Pepe, iyo Karim Benzema.


Waxaa garoonka Santiago Bernabeu Stadium ka dhacday kulanka ugu weyn kulamada ciyaaraha kooxaha kubbada cagta adduunka ee El Clasico taas oo dhex martay kooxaha Real Madrid iyo Barcelona.

Real Madrid iyo Barcelona ayaa iska horyimid iyagoo labda kooxoodba ay ku jira qaab ciyaareed fiican. Barcelona ayaa kulankan iskeentay iyadoon hal kulan laga soo badin sideedii kulan ee ay horyaalka ciyaartay isla markaana aan wax gool ah laga dhalinin. Real Madrid ayaana Barcelona soo dhawaysay iyadoo ah kooxda qaarada Yurub ugu goolasha badan.

Kulankan ayaana ahaa kii 229 aad ee ay labdan kooxood iskaga horyimaadaan. Kulankan ayaana ahaa mid aad loo sugayay kadib markii ay labada kooxood xagaagii dhawaa la soo wareegeen ciyaartoy hal door ah isla markaana ay hadda ku jiraan qaab ciyaareed aad u fiican.

Jawiga garoonka ayaa ahaa mid ilqableh isla markaana ay jamaahiirta labada kooxood aad usoo buux dhaafiyeen, waxaanad dareemaysay marka aad aragto garoonka iyo xamaasada ku dheehnayd, sababta uu kulankani u yahay kan aduunka ugu xiisaha badan.

Barcelona ayaa dardar xoogleh ku bilaabatay waxayna nasiib u yeelatay inay daqiiqdii 4 aadba hogaanka ciyaarta u qabato, waxaana gool aad iyo aad uqurux badan isla markaana uu si fiican difaaca Real Madrid uga farsamaystay u dhaliyay Neymar. Neymar ayaa kubbad fiican oo uu ka helay Luis Suarez qaab layaableh kubbada uga xaadhay difaaca Madrid wuxuuna kubbad xoog ah hoos mariyay Casillas. Suarez oo uu kulankani ahaa kisii ugu horeeyay ee uu Barcelona u ciyaaro ayaa goolkiisii kowaad Neymar ka caawiyay inuu kooxdiisa u dhaliyo. Natiijada ciyaarta ayaana isku badashay 1:0 ay Barcelona hogaanka ku qabatay.

Real Madrid ayaa dadaal badan ku bixisay sidii ay iskaga soo celin lahayd goolk ay Barcelona waxayna fursadeedu timid daqiiqadii 35 aad markaas uu uu Marcelo uu dhinaca bixid goolka Barcelona kubbada kala soo galay wayna kubbadii uu soo laagay gacanta kaga dhacday Pique oo dhulka isku tuuray sidaana wuxuu garsooraha ciyaartu Real Madrid ku abaal mariyay rekoodhe.

Ronaldo ayaana qaatay rekoodhahaas wuxuuna rokoodhahaas u badalay goolka, sidaana wuxuu ku keenay goolka barbaraha ee Real Madrid. waa goolkii kowaad ee laga dhaliyo Claudio Bravo. ciyaarta ayaan noqotya barbaro 1:1 ah.qaybtii hore ee ciyaart ayaana ku soo dhamaatay 1:1 ah.Bravo ayaa 755 daqiiqo shabiqiisa ka illaaliyay in wax gool ah laga dhaliyo balse ugu danbayn Ronaldo ayaa ugu jawaabay aniga xili ciyaareedkan ma jirto cid shabaq nadiif ah igala baxaysaa.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay Real Madrid soo laabatay iyadoo dhaarsan isla markaana ay ciyaarta ku soo laabtay iyadoo dardar layaableh ku socota.Real Madrid ayaana daqiiqadii 50 aad hogaanka la wareegtay waxaana markan goolka labaad u dhaliyay Pepe. Koorne uuToni Kroos soo tuuray ayuu si fiican Pepe madax ugu hubsaday sidaana wuxuu kooxdiisa ugu dhaliyay goolka labaad. Natiijada ciyaarta ayaana noqotay 2:1 ay Real Madrid hogaanka kula wareegtay.

 

Real Madrid ayaa u muuqatay inay kalsoonidii dib u heshay waxayna weerar isdaba joog ah ku soo qaadaysay waxayna goolkeeda saddexaad la timid daqiiqadii 61 aad waxaana markiisa gool qurux badan Barcelona ka dhaliyay Karim Benzema.Qalad ay sameeyeen Iniesta iyo Mascherano ayuu Isco ka faa’iidaystay waxaana ugu danabayn Benzema kubbad qurux badan meel fiican u dhigay James Rodriguez, Benzema ayaana kooxdiisa u dhaliyay goolka kalsoonia. ciyaarta ayaana noqotay 3:1 ah Real Madrid hogaanka ku raaxaysanayso.

Barcelona ayaa in baan isku daydayday inay markale soo taabato goolka uu waardiyaha ka hayay Casillas balse kubbadeeda ayaa dhaafi wayday difaaca birta ah ee Real Madrid.Qaybtii danbe ee ciyaarta ayay Barcelona u muuqatay inay kala daadsan tahay halka Real Madrid ay ahayd kooxda meelkasta garoonka ka muuqatay.

Ugu danabayn kulankii xiisha iyo xamaasada badnaa ee dhaxmaray Real Madrid iyo Barcelona ayaa ku soo dhamaaday Real Madrid oo 3:1 ku garaacday Barcelona. Real Madrid ayaana goolkii Neymar kaga jawaabay saddex gool oo ka kala yimid Ronaldo, Pepe iyo Benzema.

Waa guul daradii ugu horaysay ee Barcelona soo gaadha xili ciyaareedkan waxayna gurigeedii ku laabanaysaa iyadoo madax hoos u dhigaysa.Messi ayaa ku guul daraystay inuu shaba Real Madrid soo taabto inkasta oo uu yahay xidiga Clasico ugu goolasha badan. Haddii uu Messi 21 gool hore uga dhaliyay Real Madrid caawa ayuu hal gool oo uu ku jabin lahaa rekoodhka gool dhalinta horyaalku uu bir ku noqday.Messi ayaana markii ay Real Madrid dhalisay goolka saddexaad aad uga murugooday. 

Guusha ay Real Madrid Barcelona ka gaadhay ayaa u sahashay inay farqiga dhibcaha u dhexeeya iyada iyo Barcelona ku soo yarayso hal dhibic oo kaliya. Barcelona ayaaleh 22 dhibcood halka Real Madrid aya ka yeelatay 21 dhibcood.  

Halkan ka Dawwao sawirada 



 cabdirisaaq (koronto)

burco/office

koronto935@gmail.cm