Hordhac: Man United v Chelsea – Maxaa Kala Heysta Caawa Louis Van Gaal Iyo Jose Mourinho?

0
Sunday October 26, 2014 - 09:50:41 in by Burco Office
  • Visits: 1441
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: Man United v Chelsea – Maxaa Kala Heysta Caawa Louis Van Gaal Iyo Jose Mourinho?

    Kulanka:Man United v Chelsea Garoonka:Old Trafford Waqtiga:7pm Saacada Geeska Afrika Garsoore: Phil Dowd Waxaa jiray qoraalo badan oo laga daabacay isbarbardhiga Louis van Gaal iyo Jose Mourinho, labada tababare ee ugu xiisaha badan uguna

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulanka:Man United v Chelsea Garoonka:Old Trafford Waqtiga:7pm Saacada Geeska Afrika Garsoore: Phil Dowd Waxaa jiray qoraalo badan oo laga daabacay isbarbardhiga Louis van Gaal iyo Jose Mourinho, labada tababare ee ugu xiisaha badan uguna kibirka badan ciyaarta.





Muddo seddex sanno ah waxa ay iskula soo shaqeeyeen Barcelona, ama haddii si kale loo dhigo Mourinho ayaa u soo shaqeeyay Van Gaal. Macalinka reer Holland ayuu ahaa maskaxdii ka danbeysay in mudadaas Barca ay qaado afar koobka, halka ninka reer Portugal ay isaga shaqadiisa aheyd inuu dhiraadhiriyo qaab ciyaareedka kooxaha ka horimaanayay Barca iyo inuu wax ka sameeyo leylinta kooxda.

Van Gaal ayaa ku tilmaamay doorkii Mourinho ee Barcelona inuu waqtigaas ahaa "bedelka tababaraha” taasoo marna noqon karta amaan marna noqon karta hoos u dhigid iyadoo ku xiran codka loo isticmaalo iyo tababaraha aad bedelka u tahay.

Mourinho ayaa bedelkiisa waxa uu sheegay in labadoodaba ay yihiin labo tababarayaal oo waa weyn. Si kastaba, iska horimaada LVG iyo Mourinho waxa uu bilow u noqon karaa xafiiltan dhanka isla weynida labada tababare ah.

Waxaase la yaab leh in kastoo shaqooyin waa weyn ay soo kala qabteen hadana waxa ay iska horyimaadeen kaliya hal jeer iyagoo tababarayaal u kala ah kooxo kale, waana finalkii Champions League ee 2010 markaasoo kooxdii Mourinho ee Inter Milan ay koobka ka qaaday kooxda Van Gaal ee Bayren Munich. Labadana nin marna ma ilowsana kulankaas.

Xilli ciyaareedkii hore Chelsea waxa ay barbaro 0-0 ah ku gashay Old Trafford. Muhim ayayna u aheyd dhibicdaas madaama ciyaartaas la ciyaaray dhamaadkii August. Waxa ay aheyd kulankii labaad ee United ee horyaalka Premier League ee xilli ciyaareedka ka hor inta aysan kala daadan. Wax u muuqday inay dhibic muhim ah u tahay Mourinho ayaa noqday in labo dhibcood ay ka yaraadeen dhibcihii ay Man City iyo Liverpool ku qaateen garoonka Old Traffford.

Mourinho waxa uu isticmaalay taatiko isku mid ah markii uu marti u ahaa kooxaha waa weyn ee ay xafiiltamaan xilli ciyaareedkii hore, isagoo inta badan u soo bandhigayay inay barbaro qaataan kooxda martida loo yahay. Mararka kaliya ee kooxda martida loo yahay ay iska diiday dhibicdaas islamarkaana u dagaalantay seddexda dhibcood waxa ay mareen ciqaabteeda waxaana badisay Chelsea, labada kooxood ee sidaas sameysay waa Man City iyo Liverpool.

Maxaa Ka Cusub?

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester United Angel di Maria ayaa la filayaa inuu ka soo kabsado dhaawac bowdada ah si uu u wajaho Chelsea.

Wayne Rooney ayaa ganaax kaga maqan kulankaan, halka Radamel Falcao uu ka soo kabsanayo dhaawac laakiin xiddiga taamka soo noqday ee Michael Carrick ayaa ciyaari kara kulankiisii ugu horeysay ee xilli ciyaareedka.

Tababaraha Chelsea Jose Mourinho ayaa sheegay in Diego Costa uu heysto fursad yar oo uu ku ciyaaro ka dib markii uu wajahay virus iyo dhaawac muruqa ah, laakiin Loic Remy ayay hubaal tahay inuu seegayo kulankaan.

Cesar Azpilicueta ayaa ganaax kaga maqan kulankaan, laakiin Ramires waxa uu ka soo laaban karaa dhaawac.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Man United: De Gea; Shaw, Rojo, Jones, Rafeal; Blind; Di Maria, Herrera; Mata; Falcao, Van Persie.

Chelsea: Courtios; Luis, Terry, Cahill, Ivanovic; Matic, Fabregas; Hazard, Oscar, Willian; Costa (shaki ayaa ku jira).

MA OGTAHAY?

  • Chelsea ayaan laga badinin seddexdii kulan ee ugu danbeysay horyaalka ee ay ka horyimaadeen Manchester United, iyadoo laga dhaliyay kaliya hal gool.
  • Kooxda Blues ayaa ah kooxda kaliya ee guulaha ugu badan ka gaartay United waayaha Premier League, waxa ay ka badiyeen 15 jeer halka United ay badisay 13 jeer.
  • Guud ahaan Manchester United ayaa badisay 59 kulan halka Chelsea ay badisay 42 kulan kulamadii guud ahaan ay iska horyimaadeen horyaalka Ingariiska.