Dowladda Soomaaliya oo dalbatay in loo soo gacan galiyo Wasiirkii hore ee Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan

0
Tuesday February 04, 2020 - 14:55:14 in by salman abdi
  • Visits: 332
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Soomaaliya oo dalbatay in loo soo gacan galiyo Wasiirkii hore ee Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan

    Dowladda Soomaaliya oo dalbatay in loo soo gacan galiyo Wasiirkii hore ee Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Soomaaliya oo dalbatay in loo soo gacan galiyo Wasiirkii hore ee Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan

Dowlada Federaalka Soomaaliya waxa ay si rasmi ah u dalbatay waaran caalami ah (international warrant) oo loogu soo gacan gelinayo Cabdirashid Cabdinuur (Janan), kaas oo ka baxsaday caddaaladda.

Dowladda ayaa waxaa ay arintan xiriir kala sameysay Hay’adda Boliiska Caalamiga ah ee INTERPOL, si loogu maxkamadeeyo danbiyo la xiriira tacadiyo ka dhan ah xuquuqul insaanka iyo ku tacaddiga muwaadiniin aan waxba galabsan.

Sidoo kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ay dhiggeeda dalka Kenya ka codsatay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u soo qabato, una soo wareejiso eedeeysane Cabdirashid Xasan Cabdinuur (Janan), arrinkaas oo xoojinaya dadaallada heer Gobol ee ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo adkeynta xasilloonida.

Warka ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa imanaya xili sidan oo kale qoraal ka soo baxay hay'addaAmensty Internationaloo lagu looga codsaday Kenya in u gacan galiso dowladda Soomaaliya Cabdirashiid Janan.