Ciidanka Dowladda Federaalka oo la wareegay Magaalada Beledxaawo

0
Wednesday February 05, 2020 - 11:00:13 in by salman abdi
  • Visits: 356
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Dowladda Federaalka oo la wareegay Magaalada Beledxaawo

    Ciidanka Dowladda Federaalka oo la wareegay Magaalada Beledxaawo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka Dowladda Federaalka oo la wareegay Magaalada Beledxaawo

Wararka ka imanaya Magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in ciidan ka tirsan Dowladda Federaalka oo ka yimid dhanka Luuq ay xalay la wareegeen magaaladaas.

Ciidanka oo tiradoodu aanan la garaneynin ayaa dadka deegaanka oo la hadlay BBC-da waxay shegeen in magaalada ay haatan gacanta ku hayaan ciidanka federaalka.

Warar ay baahiyeen qaar kamid ah warbaahinta maxaliga oo aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Wasiirka Amniga ee Jubaland uu shalay tegay Magaalada Beledxaawo, halkaas na uu kula kulmay ciidamo la sheegay in ay ka tirsan yihiin Jubaland, balse Dowladda Federaalka ay dhawana diiwanagelisay.

"Ciidamada Dowladda waan soo dhaweyneynaa,dadkana waxaan u sheegaya in Dowladda Federaalka ay mas'uul ka tahay xuduudaha badda, dhula iyo cirka, ciidanka dowladda cadaw ma ahan, waana in lasoo dhaweeyaa, Dowladda Federaalka heshiiskii aan lasoo galay ayaa difaacayaa oo aan ku shqeynayaa", sidaas waxaa yiri Cabdsiis Xareed oo ah gudoomiyaha degmada Beledxaawo ee dhanka Dowladda.

SONNALahaanshaha sawirkaSONNA
Image captionSawir hore oo ah ciidanka Haramacad

Waxaan wali la ogeyn halka uu hadda ku sugan yahay Cabdirashiid Janan iyo tirada ay la eg yihiin ciidanka taabacsan Janan.

Cabdirashiid Janan ayaa maalma ka hor kas oo baxsday xabsi guri uu ku jiray oo ku yaalla Magalaada Muqdisho, waxaana uu Beldexawo ka galay dhanka Magaalada Mandheera ee dalka Kenya.

Dadka deegaanka ayaa BBC-da u xaiijiyay in wax xiisad ah aysan ka tagneyn magaalada oo xaaladda ay degan tahay.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe ciidan ku soo daabuleysay gobolka Gedo, kuwaas oo ay dowladda ay dooneyso inay gacanta ku dhigaan maamulka Gedo.

Khilaafka Dowladda Federaalka iyo maamulka Jubaland ayaa u muuqda mid ka sii daraya, waxaana wali taagan khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay doorashadii muranka dhalisay ee Jubaland oo nuu Axmed Madoobe ku guuleystay balse dowladda federaalka ay ku gacanseyrtay.