Madaxweyne Muuse Biixi Oo La Filaayo Inay Adis-Ababa Ku Kulmaan M. Farmaajo Iyo Afar Qodob Oo Caalam Ku Qasbayo Inay Wada Sexeexdaan.

0
Monday February 10, 2020 - 12:32:18 in by salman abdi
  • Visits: 372
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Muuse Biixi Oo La Filaayo Inay Adis-Ababa Ku Kulmaan M. Farmaajo Iyo Afar Qodob Oo Caalam Ku Qasbayo Inay Wada Sexeexdaan.

    Madaxweyne Muuse Biixi Oo La Filaayo Inay Adis-Ababa Ku Kulmaan M. Farmaajo Iyo Afar Qodob Oo Caalam Ku Qasbayo Inay Wada Sexeexdaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Muuse Biixi Oo La Filaayo Inay Adis-Ababa Ku Kulmaan M. Farmaajo Iyo Afar Qodob Oo Caalam Ku Qasbayo Inay Wada Sexeexdaan.
Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Wafti Wasiiro Kooban oo uu hogaaminayo ayaa gaadhay caasimada Addis-ababa ee Ethoipia, waxaana halkaasi ku sugan madax tiro badan oo ka socda africa iyo caalamka oo shirar kala duwan ku leh, madaxweyne Farmaajo ayaa kamida Madaxda Somalida ee ku sugan Addis-ababa,

Xogo hoose oo ay heshay shabakada Wararka Ee BURCOONLINE ayaa sheegaya in kulan qarsoodi ah ay wada yeelan doonaan Madaxweyne Muuse Biixi iyo Madaxweyne Farmaajo,

 

kulankani qarsoodiga ah oo uu qaban qaabadiisa wado Ra,iisal Wasaaraha Etoobiya Abby Ahmed iyo madax ka socota dawladaha caalamka ee daneeya arimaha Somaliya ee ku sugan Addis-ababa ayaa la filayaa inay labada madaxweyne ay wada saxeexaan heshiis ay dabada ka riixayaan dawlada caalamku,

qodobada xaasaasiga ah ee lasoo hordhigi doono inay ku heshiiyaan labada madaxweyne ayaa waxa kamida
1. in dhamaan hayadaha caalamiga ah ee ka shaqeeya Somaliya uu fadhigooda rasmiga ah noqdo magaalada hargeisa, kuwo muqdisho iyo magaaloyinka kale degana ay halkaasi usoo wada guuraan,

2. in dawlada somaliya iyo Somaliland ay ka wada shaqeeyaan arimaha Amniga iyo isdhaafsiga macluumaadka ay soo gudbiyaan laamaha Amaanka ee Sirdoonka labada dhinac.

3. in dawlada somaliland ay somaliya ka caawiso dhanka waxbarashada hoose iyo jaamacadaha iyo diyaarinta xeerka waxbarashada iyo Dejinta Manaahijta.

4. in dib loo furo wadahadaladii udhexeeyay Labada Dhinac ee somaliland iyo Somaliya.

Qodobadaasi iyo qodobo kale ayaa ugu waaweyn waxa lagaga hadli doono kulanka qarsoodiga ah ee la filaayo inay wada yeeshaan madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweye Muuse Biixi Cabdi.