Qareenada Puntland oo dacwad ka gudbinaya guddoomiyaha maxkamada sare ee Puntland

0
Saturday February 22, 2020 - 13:37:15 in by salman abdi
  • Visits: 547
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qareenada Puntland oo dacwad ka gudbinaya guddoomiyaha maxkamada sare ee Puntland

    Qareenada Puntland oo dacwad ka gudbinaya guddoomiyaha maxkamada sare ee Puntland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qareenada Puntland oo dacwad ka gudbinaya guddoomiyaha maxkamada sare ee Puntland
Qareenada madaxa bannaan ee Puntland ayaa barlamaanka Puntland u gudbinaya dacwad ka dhan ah guddoomiyaha maxkamada sare Puntland, Nuur Ciise Maxamed sida Hiiraan Online uu u xaqiijiyay mid kamid ah qareenada.

 

Dacwadaan ayaa barlamaanka looga codsanayaa in lalaalo wareegto kasoo baxday Kusimaha gudoomiyaha mxkamadda sare ee Puntland, taasoo uu ku amrayo in lacago sharci darro ay ku sheegeen oo lagusoo rogay Qareenada ka howlgala Puntland.

Qareenada waxay horey u joojiyeen shaqadii ay qaban jireen taasoo saameyn ku yeelatay shaqooyinkii maxkamadaha, maadaama qareenadu yihiin hay’ad madax bannaan oo adeeg sharci siisa dadka lasoo eedeeyo.

Warqad labadii bishaan kasoo baxay xafiiska guddoomiyaha maxkamada sare ayaa lagu wargaliyay qareenadu in ay bixiyaan ajuurooyin iyo canshuuraad lagusoo rogay ruqsadahooda iyo adeegga sharci ee dadweynaha u qabtaan.

Qareenada waxay ku doodayaan in canshuurtaan lagusoo rogay ay xadgudub ku tahay xeerka qareenada Puntland.

Halkaan ka akhriso warqadii guddoomiyaha maxkamada.