Real Madrid Oo Abaalmarinada La Liga Ee Xili Ciyaareedkii 2013/14 Inta Ugu Badan Uruurusatay. Iyo Xidigaha Kale Ee Qaarada Dunida Soo Kala jeeda halkay ka galeen la liga ?

0
Tuesday October 28, 2014 - 09:07:24 in by Burco Office
  • Visits: 1186
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Real Madrid Oo Abaalmarinada La Liga Ee Xili Ciyaareedkii 2013/14 Inta Ugu Badan Uruurusatay. Iyo Xidigaha Kale Ee Qaarada Dunida Soo Kala jeeda halkay ka galeen la liga ?

    Waxaa la soo gabagabeeyay xaflad wayn oo abaal marino lagu gudoonsiinayay ciyaartoydii iyo waliba tababarihii ugu fiicnaa horyaalka Spain ee La ligaha xili ciyaareedkiisii 2013/14. Xaflada loo yaqnaa LFP Gala ayay ka soo qayb galeen 1,300 qof ku waa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa la soo gabagabeeyay xaflad wayn oo abaal marino lagu gudoonsiinayay ciyaartoydii iyo waliba tababarihii ugu fiicnaa horyaalka Spain ee La ligaha xili ciyaareedkiisii 2013/14. Xaflada loo yaqnaa LFP Gala ayay ka soo qayb galeen 1,300 qof ku waas oo iskugu jira ciyaartoyda iyo waliba tababarayaasha abaalmarinaha u tartamayay iyo marti sharaf xaflada lagu marti qaaday. Xafladan ayuu qabtaa FA ga Spain ee LFP.



Abaalmarinaha loo tartamayay ayay ka mid ahaayeen abaal marinta la siiyo tababaraha ugu fiicnaa, goolhayaha ugu fiicnaa, difaaca ugu fiican, dhexda ugu fiican, dhexda weerarka ee ugu fiican, gooldhaliyihii ugu fiicnaa, Ciyaartoygii afrikaanka ahaa ee ugu fiicnaa, Ciyaartoygii Latin Amerika ahaa ee ugu fiicnaa iyo waliba Goolkii ugu fiicnaa iyo abaal marinta la siiyo da’yarka ugu fiican.

Haddaba waxaan halkan idiinku soo gudbin doonaa sida abaal marinahaas loogu kala guulaystay.

Goolhayihii Ugu Fiicnaa Xili Ciyaareedkii 2013/14:

Goolhayihii ugu fiicnaa xili ciyaareedkii 2013/14 oo ay ku tartamayeen Keylor Navas oo Levante u ciyaarayay isla markaana hadda ka tirsan kooxda Man City, Courtois (Atlético ) oo dib ugu laabtay kooxdiisa Chelsea iyo Caballero ( Málaga) wuxuuna hadda ka tirsan yahay kooxda Man City. Waxaana abaalmarinta goolhayihii ugu fiicnaa xili ciyaareedkii 2013/14 loo doortay Keylor Navas.

Difaacii Ugu Fiicnaa Xili Ciyaareedkii 2013/14:

Difaacii ugu fiicnaa ayuu ku guulaystay Sergio Ramos oo ka tirsan kooxda Real Madrid wuxuuna abaalmarintan kaga adkaaday Difaacii hore ee Atletico Madrid ee hadda ka tirsan kooxda Chelsea eeFilipe Luis iyo Miranda oo ka tirsan isla kooxda Atlético Madrid.

Dhexdii Ugu Fiicnaa Xili ciyaareedkii 2013/14:

Luka Modrid ayaa loo doortay inuu ahaa ciyaartoydii khadka dhexe ugu wanaagsanaa xili ciyaareedkii 2013/14, wuxuuna baal marintan ka hor qaaday Gabi iyo Busquets oo ka soo kala jeeda kooxaha A.Madrid iyo Barcelona.


Da’yarkii Ugu Fiicnaa Xili Ciyaareedkii 2013/14:

Da’yarka ugu fiican ayuu ku guulaystay Rafinha oo hadda ka tirsan kooxda Barcelona wuxuuna ka dulqaaday abaalmarintan Jesse oo Real Madrid ah iyo Saul oo Rayo u ciyaara.

Ciyaartoygii dhexeda hore ee Weerarka ahUgu Fiicnaa Xili Ciyaareedkii 2013/14:

Andres Iniesta oo u ciyaara kooxda Barcelona ayaa ka adkaaday Saaxiibkiisa ay isku kooxda yihiin ee Ivan Rakatic iyo Koke oo ka tirsan kooxda Atletico Madrid oo kula tartamayay ciyaartoygii dhexda hore ee weerarka ah, waxaana abaalmarintaa ku guulaystay Iniesta.

Tababarihii Ugu Fiicnaa Xili Ciyaareedkii 2013/14:

Tababarha Atletico Madrid ee Diego Simeone ayaa loo doortay tababarihii ugu fiicnaa horyaalka La Ligaha ee xili ciyaareedkii 2013/14, wuxuuna abaalmarintaa ka cidhiidhsaday Valverde (Athletic ) iyo Jemez ( Ray ).

Ciyaartoygii Latin Amerika ee Horyaalka La Ligaha Ugu Fiicnaa Xili Ciyaareedkii 2013/14:

Carlos Bacca oo ka tirsan kooxda Sevilla ayaa loo doortay inuu xili ciyaareedkii 2013/14 ahaa ciyaartoygii ugu fiicnaa ee ka soo jeeda qaarada Latin Amerika wuxuuna abaal marintan kaga guulaystay Di Maria iyo Neymar.

Ciyaartoygii Afrikaanka ahaa ee Horyaalka La Ligaha Ugu Fiicnaa Xili Ciyaareedkii 2013/14:

Xidiga Kooxda Granada ee Brahimi ayaa loo doortay inuu ahaa ciyaartoygii ugu fiicnaa ee Afrikan ah wuxuuna abaalmarintan kaga guulaystay Mbia oo Sevilla ah iyo El Arabi oo isla kooxda Granada ah.

Gooldhaliyihii Ugu Fiicnaa iyo waliba Goolka Ugu Fiicnaa Xili Ciyaareedkii 2013/14:

Cristiano Ronaldo ayaa ku guulaystay abaalmarinaha weeraryahankii ugu fiicnaa iyo waliba goolkii ugu fiicnaa. Ronaldo ayaa gooldhaliyihii ugu fiicnaa kaga guulaystay Costa iyo Vela halka uu goolka xili ciyaareedka ugu fiicnaa kaga guulaystay Lionel Messi oo Barcelona ah iyo waliba Giovani oo Villarreal ka tirsan. Goolkii uu Ronaldo ka dhaliyay kooxda Valencia todobaadkii 36 ee xili ciyaareedkii hore ayaa loo aqoonsaday inuu ahaa goolkii ugu fiicnaa horyaalka.

Xiddiga ugu fiicnaa La Liga xilli ciyaareedkii hore:

Cristiano Ronaldo ayaa sidoo kale ku guuleystay abaalmarinta xiddiga ugu fiicnaa horyaalka La Liga xilli ciyaareedkii hore.

Abaalmarinta ciyaar wanaaga:

Abaalmarinada ciyaar wanaaga waxaa qaatay dhanka ciyaartoyda Rakitic oo haatan jooga Barcelona balse ku kasbaday waqtigiisii Sevilla ee xilli ciyaareedkii hore, dhanka kooxdana waxaa qaadatay Real Sociedad.

Liiska Abaalmarinada La Bixiyay:

Ciyaaryahanka ugu fiican: Cristiano Ronaldo (Real Madrid)

Goolhayaha ugu fiican: Keylor Navas (Levante )

Daafaca ugu fiican: Sergio Ramos (Real Madrid)

Khadka dhexe ugu fiican: Modric (Real Madrid)

Khadka dhexe ee weerarka ee ugu fiican : Iniesta ( Barcelona)

Weeraryahanka ugu fiican: Cristiano Ronaldo (Real Madrid)

Da’ yarka ugu fiican : Rafinha ( Celtic )

Tababaraha ugu fiican ( Atletico Madrid )

Xiddiga Afrikaanka ee ugu fiican: Brahimi ( Granada )

Xiddiga Latin America ee ugu fiican: Carlos Bacca (Sevilla )

Goolka ugu fiican : Cristiano Ronaldo (Real Madrid)

Ciyaar wanaaga dhanka ciyaartoyda: Ivan Rakitic (Sevilla )

Ciyaar wanaaga dhanka kooxaha: Real Sociedad

Abaalmarintaan waxaa u codeeya seddexda kabtan ee koox kasta, kabtanka koowaad, kabtan ku xigeenka iyo kabtanka seddexaad, waxaana ka reeban inay u codeeyaan ciyaartoyda kooxdooda ama tababaraha kooxdooda. Sidoo kale ciyaartoyda u sharaxan boos kasta waxaa marka hore lagu soo xulaa istaatistikada ciyaartoyda ee xilli ciyaareedka.



 

 

 

contact@afkashacabka.com