Wasiirka Warfaafinta oo loo adeegsanaayo Ku-Dhufashadda Siyaasiga Weyn ee Maxamuud Xaashi.

0
Tuesday March 03, 2020 - 08:32:56 in by salman abdi
  • Visits: 492
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Warfaafinta oo loo adeegsanaayo Ku-Dhufashadda Siyaasiga Weyn ee Maxamuud Xaashi.

    Wasiirka Warfaafinta oo loo adeegsanaayo Ku-Dhufashadda Siyaasiga Weyn ee Maxamuud Xaashi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Warfaafinta oo loo adeegsanaayo Ku-Dhufashadda Siyaasiga Weyn ee Maxamuud Xaashi.
Musharaxnimadda Gudoomiyaha Kulmiye ayaa mar kale ka istaadhmay dhinaca Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi, Madaxweynaha Ayaa isagu daaha gadaashisa ka soo maamulaaya Siyaasadda ka dhanka ah: Siyaasiga Maxamuud Xaashi oo isagu tageero balaadhan ka haysta Aqlabiyadda Tageerayaasha xisbiga kulmiye ee gudaha iyo debadda Somaliland .

Hadaba Gudoomiye ku xigeenkiisa kulmiye, oo isagu ugu idman oo keliya Madaxweynaha Hawlaha iyo fariimaha xusbul xaakimka Kulmiye Axmed Cabdi Dheere Ayaa waxa uu amar lagu siiyey inuu qabto kulan martiqaad ah oo lagu maamuusayo wasiirkiisa Warfaafinta waa Md Saleebaan Cali Koore, si loogu muujiyo tageero AMA carqalad la geliyo qorshaha iyo hanka siyaasiga tageeradda badan haysta ee Ex-Wasiir Maxamuud Xaashi.

 

Si kastaba ha ahatee. Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Dheere oo fulinaaya amarkaasi xaga sare kaga yimi ayaa ka-dib shalay iskugu yeedhay markaasi garabka haweenka ee xisbiga Kulmiye iyo masuuliyiin ka tirsan golaha dhexe oo aan waxba kala socon qorshaha ku dhex-jiray.
kuwaasi oo laysugu keenay kulan si dadban loogu soo bandhigaayey qorshaha ka dhanka ah, siyaasiga weyn ee EX=Wasiir Maxamuud Xaashi, kaasi oo sida ay iyagu sheegeen lagu sharfaayey wasiirka warfaafinta Saleebaan Cali Koore oo Iminka Madaxweyne Muuse Biixi iyo xulafadiisu la damacsan yihiin hogaaminta xisbiga sida ay iyagu sheegayaan.

Sidoo kale qorshaha ka dhanka ah siyaasiga rug-cadaaga ah ee Md Maxamuud Xaashi ee uu Madaxweyne Muuse Biixi ka hirgelinaayo xisbiga Kulmiye Ayuu dhaqaalo badan lagu bixiyey, waxaana qorshaha daaha ka sii feyday. isaguna Xildhibaanka ka mid ah xildhibaanada sida indho la,aanta ku tageera Madaxweyne Muuse Biixi ee ku jira Golaha guurtida JSL, kaasi oo sheegay in wasiir Saleebaan Cali Koore iminka lagu wareejinaayo hogaaminta xisbiga Kulmiye oo weliba wakhtigeedii la joogo.

Hadaba Haddi Hirgelinta iyo Qorshaha hogaaminta xisbiga Kulmiye, loo cumaamaddo Wasiir Koore ee uu Madaxweyne Muuse Biixi qorshahan iminka keenay, ayaa hadiiba uu u hirgelo waxaa la rajeynayaa inuu saamayn adag ku yeesho mustaqbalka siyaasadeed ee xusbul-xaakimkii Kulmiye.

Iyadoo markaasi, Iyaduna ay ku xigi doonto in Siyaasi Maxamuud Xaashi oo ah shakhsi khibrad iyo xirfadba u leh cilmiga siyaasadda dhankiisa uu qorshayn doono talaabadii uu ka qaadi lahaa.hadii Madaxweyne Muuse Biixi oo isagu haya oo keliya inuu awood dawladeed uun adeegsado iyo inuu dhaafiyo kursiga hogaaminta xisbiga Kulmiye oo sharci iyo tageero siyasadeed u haysta.

Xusbul Xaakimka Kulmiye ayaa dhankiisa dadka siyaasadda falanqeeyaa waxay sheegayaan inuu saameyn taban oo weliba xun kala kulmi doono,qorshayaasha khatar gelin-kara Xisbiga Kulmiye ee madaxweynuhu u adeegsanaayo Siyaasiga Maxamuud Xaashi.

Haddii uu Madaxweyne Muuse hirgeliyo qorshaha uu xisbiga Kulmiye ugu gacan galinaayo Cid-kasta oo aan ahayn, Ex-Wasiir Maxamuud Xaashi isla markaana khilaafka dhex-yimaada waxuu horseedi doono saameyn taban xukuumada Muuse Biixi ku yeelan-doonto iyo mid mustaqbalka xisbiga Kulmiye ay dhici karto inuu cagta saaro Wadadii Burburka.

Si kastaba ha ahaatee Qorshayaasha uu dabadda ka riixaayo Madaxweynaha Muuse Biixi ee kani ka mid-yahay oo ka dhan ah, siyaasiga ugu taageeradda badan Tageeayaasha Xisbiga Kulmiye Ee debadda iyo gudaha waa: Ex-Wasii Maxamud Xaashi, Ayaa waxaa la dhawrayaa wakhtiga ay si rasmiga u soo shaac-baxaan iyo saameynta dambe ee ka dhalan doonta Xisbiga Kulmiye.