Wasiirka Ciyaaraha Oo Hargeysa ka Furay Tartan Lagu Kala Saarayo Kooxaha Heerka 2-aad Iyo 3-aad

0
Tuesday October 28, 2014 - 13:01:01 in by Super Admin
  • Visits: 1047
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Ciyaaraha Oo Hargeysa ka Furay Tartan Lagu Kala Saarayo Kooxaha Heerka 2-aad Iyo 3-aad

    Tartankan oo ay ka qeyb-galayaan 30-kooxood oo ka kala socda shanta degmo ee caasimadda Hargeysa, ayaa....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tartankan oo ay ka qeyb-galayaan 30-kooxood oo ka kala socda shanta degmo ee caasimadda Hargeysa, ayaa....

Wasiirka wasaaradda dhallinyaradda, ciyaaraha iyo dalxiiska Somaliland Mudane Cali Siciid Reygal oo ay weheliyaan Agaasimaha Guud ee wasaaradda dhallinyaradda iyo ciyaaraha Maxamed Xuseen Axmed (Dhabeeye), Agaasimaha Waaxda ciyaaraha Maxamed Nuux Jibriil, Guddoomiyaha Olombikadda Xasan Maxamed Cabdalle (Waraabe-cadde), Guddoomiyaha Xidhiidhka kubadda cagta Cabdilaahi Kheyre Cawaale (Gacal), Xoghayaha xidhiidhka kubadda cagta Sacad Maxamuud Shire ayaa si rasmi ah maalintii shalay u furay tartan lagu kala saarayo kooxaha kubadda cagta heerka labaad iyo saddexaad ee degmooyinka caasimadda Hargeysa.


Tartankan oo ay ka qeyb-galayaan 30-kooxood oo ka kala socda shanta degmo ee caasimadda Hargeysa, iyada oo degmo walbana ay ka socdaan 6-kooxood ayaa ujeedadiisu tahay inay ka soo baxaan 10-kooxood oo noqon doona kooxaha heerka labaad iyo 10-kooxood oo noqda kooxaha heerka saddexaad ee caasimadda Hargeysa kuwaas oo xidhiidhka kubadda cagta hoos iman doona. Xafladii furitaanka oo ka dhacday garoonka kubadda cagta Tareeriska ayaa ugu horeyn waxaa ka hadlay guddoomiyaha xidhiidhka kubadda cagta Cabilaahi Kheyre Gacal, waxaana uu ka war-bixiyay tartankan iyo ujeedadiisa waxaana uu xusay in wax walba sidii loogu talo-galay ay ugu bilaabmeen ayna rajaynayaan in tartankani sidii loogu talo-galay uu ku dhamaan doono.

Tartan-Ciyareed-Kubada-Cagta-1-655x360

Wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha Cali Siciid Reygal ayaa sheegay in tartankani uu yahay mid muhiim u ah guud ahaanba kooxaha kubadda cagta ee ka qeyb-galaya, waxaana uu xusay in ka wasaarad ahaan iyo xidhiidh ahaanba ay ku midaysan yihiin in tartankani uu ku soo gaba-gaboobo sidii loogu talo-galay, waxaana hadaladiisi ka mid ahaa "Waxaan maanta {shalay} aad iyo aad ugu faraxsanahay in tartankan oo ay nagala qeyb-qaadatay dallada dhallinyaradda SONYO oo dhallinteena lagaga wacyi-gelinayo aafada Tahriibka aanu halkan ugu furno kooxihii heerka labaad iyo saddexaad oo runtii ahaa kooxaha ugu tirada baddan oo kor u dhaafay boqolaal aanu ku kala saarayno aanu u qabano, tartankan waxaanu u dhignay degmo degmo inay kooxuhu u soo wada ciyaaraaan oo kooxaha ugu sareeya ay noqdaan heerka labaad kuwa ku soo xigaana heerka saddexaad kuwa ugu hooseeyaana ay halkaas ku hadhaan, waxaan jeclay inaan talabaadan nidaamsan aan uga mahad-celiyo xidhiidhka kubadda cagta iyo cid kasta oo la shaqaysay haday noqon lahaayeen guddoomiye-yaasha degmooyinka iyo weliba kooxaha degmooyinka ee iyagu ka qeyb-galayaa oo shuruudihii lagu xidhay iyagu ka soo baxay” ayuu yidhi wasiir Reygal.
Waxa uu hadalkiisii ku sii daray "Tartankani markuu dhamaado waxaa ka soo bixi doona 10-kooxood oo heerka labaad ah iyo 10-kooxood oo heerka saddexaad ah kuwaas oo noqon doona kooxaha sharciga ah ee la aqoonsan yahay ee ka jira caasimadda Hargeysa, iyada oo ay sidaas tahay waxaan kooxihiina iyo weliba garsoorkaba aan idin farayaa inaad ku dhaqantaan sharciga tartankan oo aad tababar saddex cisho ah ku soo qaadateen, waxaana ilaahay ka rajaynayaa inuu tartankani uu ku dhamaado sidii loogu talo-galay” ayuu hadalkiisi ku soo koobay. Ugu dambeyntii wasiir Cali Siciid Reygal oo ay weheliyaan masuuliyiinta kale ee wasaaradda iyo guddoomiye-yaasha xidhiidhada Olombikada iyo kubadda cagta ayaa kormeer ku soo maray guud ahaanba garoomadda degmooyinka kale ee iyagana ay ka socdeen kulamadii furitaanka, waxaana guud ahaanba garoomadaasi ciyaarihii uga socdeen sidii loogu talo-galay waxaana ku soo dhaweeyay guddoomiye-yaasha garoomadaas iyo dadweynihii ku sugnaa garoomadaas.
Natiijooyinkii kulamadii shalay ee furitaanka tartankan ayaa kulamadii la ciyaaray waxay kooxihii ku kala ciyaarayay guud ahaanba shantii garoon ee degmooyinku ay ku kala baxeen sidan
Garoonka Tareeriska: GCC Vs Nagaad 1-0, Garoonka Gannad: Uffo Vs Maamuus 1-1, Garoonka Guryo-samo: Kalsan Tv Vs Horyaal (waxaa garoonka wakhtigii loogu talo-galay ku iman weyday kooxda Horyaal, waxaana 3-dii dhibcood ee ciyaarta la siiyay kooxda Kalsan Tv), Garoonka Maxamuud Axmed Cali: Spainish Vs Pepesi Stars 2:2, Garoonka Baxsane (Dhurqaanta): Ariij Vs Buubaa 1-0. 




Contact@afkashacabka.com