Horumari Aqoontaada Oo Hankaaga Sare U Qaad WQ: Mohamed Hamud Ali

0
Tuesday October 28, 2014 - 19:37:24 in by Super Admin
  • Visits: 1317
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Horumari Aqoontaada Oo Hankaaga Sare U Qaad WQ: Mohamed Hamud Ali

    Bismillaahl; marka hore waxaan mahad oo dhan iska leh ilaaha ina abuursay SWT, marka labaad waxaan u mahadcelinayaa saxaafada madaxa banaan eek u hawlan isu gudbinta aaraada dadwayanaha iyo usoo bandhigida dadwaynaha waxayaaba lays waydaarsanayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bismillaahl; marka hore waxaan mahad oo dhan iska leh ilaaha ina abuursay SWT, marka labaad waxaan u mahadcelinayaa saxaafada madaxa banaan eek u hawlan isu gudbinta aaraada dadwayanaha iyo usoo bandhigida dadwaynaha waxayaaba lays waydaarsanayo.

Intaas ka dib, Hormuarinta aqoonta dhalinyarada waxay lama huraaan u tahay horumarinta Somaliland ee jiiilka soo socda, waayo maanta waxad arkaysaa in sanad walba ku ay soo baxayaan aqoonyahano heer jaamacadeed ah, dadkaas aqoonta leh ee soo baxayaa waa dadka keeni doona horumar waara oo ay Somaliland gaadho mustaqballka dhow iyo ka fogba, markaas waxaynu u baahanahay in la tayeeyo aqoonta waayo maanta tirada soo baxaysaa way badan tahay, oo waxaynu ku soo jirnay xili loo baahnaa in la badiyo tirada dadka aqoonta leh ee Somaliland u dhashay ee degan waliba isla Somaliland, koboca tirade aqoonyahanka Somaliland wuxuu keenayaa in bulshada oo dhami ama badankeedu noqdaan dad aqoon ku filan leh. Horumarinta aqoontu waxay ku salaysan tahay laba qaybood oo waawayan oo kala ah

1. Tirada aqoonyahanka taas oo macnaheedu yahay in tiro ahaan dadka aqoonta lihi bataan oo gaadhsiisan ilaa heer jaamacadeed

2. Tayada aqoonyahanka taas oo macanaheedu yahay in sare loo qaado tayada aqoonta qofkan uu leeyahay taas oo ku imanaysa dadaaal iyo wax akhris fara badan, iyo tijaabooyin lagu sameeyo aqoontan aad baratay taasina waa mid ku imanaysa is kaashi ka yimaada barayaasha iyo ardayda cilmiga raadsanaya.

Markaas maanta waxanynu baahi wayn u qabnaa in aqoonteenu noqoto mid tayaysan oo gaadhsiisan heer qofku iskii wax u ikhtiraaci karo, ama samayn karo tijaabooyin uu ku horumarin karo aqoontiisa korna ugu qaadi karo heerkiisa nololeed.

Aqoonta aad leedahay macna samayn mayso hadaanad han lahayn ama hiigsi mustaqbal oo aad uga dan leedahay horumarinta naftaada, deegaankaaga iyo guud ahaanba bulsho waynta Somaliland, lkn hadii aqoontaadii aad la dhuumato ama aad la xishooto oo aad tidhaahdo waxba ma qaban karo oo aanad lahaynba wax hiigsi ah waxaad noqon doontaa qof aqoon tii uu lahaa ka faaiidaysan kari waayay, taas oo ay sabab u tahay caajiska , balwada iyo maalaayacniga faraha badan ee aynu wakhtigeena qaaliga ah ku lumino.

Runtii waxaan aad ugula talinayaa dhalinta aqooonta leh ee maanta maraya heer jaamacadeed inay aqoon toodo u adeegsadaan sida ugu fiican oo laga digtoonaado balwadaha dadka dib u riixa ee maanta halkaas ina dhigay, runtii aqoontaada oo aad uga faaiidayasto sida ugu haboon waxay keenaysaa inaad noqoto qof bulshada dhexdeeda magac iyo maaamuus ku leh. Waad Mahadsan Tihiin Allaa Mahad Leh

By: Mohamed Hamud Ali
Burao Somaliland
Hamudson@Gmail.Com ​