Chelsea Oo Iska Xaadirisay Wareega 8aad Dhammaadka Ee Capital One Kadib Guul Ay Ka Gaadhay Shrewsbury

0
Wednesday October 29, 2014 - 11:37:50 in by Super Admin
  • Visits: 989
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Chelsea Oo Iska Xaadirisay Wareega 8aad Dhammaadka Ee Capital One Kadib Guul Ay Ka Gaadhay Shrewsbury

    Kooxda Chelsea oo marti u ahayd kooxda heerka labaad ee Shrewsbury ayaa 2:1 kaga soo badisay waxayna Chelsea guusha ku soo gaadhay gool uu Drogba u dhaliyay iyo goolka kale oo uu iska dhaliyayJermaine Grandison oo ka tirsan kooxdaShrewsbury.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Chelsea oo marti u ahayd kooxda heerka labaad ee Shrewsbury ayaa 2:1 kaga soo badisay waxayna Chelsea guusha ku soo gaadhay gool uu Drogba u dhaliyay iyo goolka kale oo uu iska dhaliyayJermaine Grandison oo ka tirsan kooxdaShrewsbury.

Tababaraha Chelsea ee Jose Mourinho ayaa line upkii uu kala hortayay kooxda Man United todoba isbadal ku sameeyay kulanka uu martida u ahaa kooxda heerka labaad ka tirsan ee Shrewsbury.

Drogba oo kulankii United goolka kaliya kooxdiisa u dhaliyay ayaa markale ku bilawday line upka Mourinho, waxaana weerarka kula bilawdayAndre Schurrle. Petr Cech ayaa goolka ku bilawday waxaana la nasiyay Thibaut Courtois.

Gary Cahill, Oscar iyo John Obi Mikel ayaa line upka ku bilawday iyagoo kula bilawday Kurt Zouma iyo Nathan Ake, halka John Terry, Willian iyo Eden Hazard ay badalka ku jiraan.Qaybtii hore ee kulankan ayayna labada kooxood wax gool ah iska dhalin wuxuuna ku soo dhamaaday barbaro bilaa goolal ah.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay Chelsea ciyaarta ku soo laabatay iyadoo dardar horleh ku socota waxaana dadiiqadii 48 aad ee bilawgii qaybtii danbe ee ciyaarta u suurto gashay inay dhashato goolka kowaad waxaana goolkaas kooxdiisa Chelsea u dhaliyay ruug caddaageeda Drogba. waxayna ciyaartu noqotay 1:0 ay Chelsea hogaanka kula wareegtay.Schurrle ayaa kubbad fiican la ciyaaray Mohamed Salah kaas oo isaguna goolka u salaxay Drogba.Didier Drogba ayaa waqtigii hore ee uu Chelsea joogay koobka Capital One Cupka ka dhaliyay sideed gool, isagoo 12 kulan u ciyaaray kooxdiisa Chelsea wuxuuna goolkani ahaa kiisii 9 aad ee Capital One Cupka.

Kooxda Shrewsbury ayaa dadal badan u gashay sidii ay iskaga soo celin lahayd goolka ay Chelsea uga hormartay waxayna fursadeedu timid daqiiqadii 77 aad ee ciyaarta , waxaana goolka barbaraha u keenay Andrew Mangan oo laba daqiiqo ka hor ciyaarta soo galay. wuxuuna natiijada ciyaarta u badalay barbaro 1:1 ah.sher

Chelsea ayaa si deg deg ah uga jawaabtay goolka aya dhalisay kooxdaShrewsbury waxayna goolka labaad heshay kadib markii uu Willian oo ciyaarta badal ku soo galay uuJermaine Grandison ku sababay inuu goolka iska dhaliyo, ciyaarta ayaana noqotay 2:1 ay Chelsea hogaanka ku soo ceshatay.own

Ugu danabayn ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 2:1 ay Chelsea dhinac iskaga dhigtayShrewsbury. Chelsea ayaana u soo baxday wareega shanaad ee Capital One Cupka ee ay iskuga dheen sideeda kooxood. 




Contact@afkashacabka.com