Burcooy Ma is badh Qabannaa? WQ: Xamse Cabdi Ibrahim

0
Wednesday October 29, 2014 - 15:53:58 in by Super Admin
  • Visits: 1515
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Burcooy Ma is badh Qabannaa? WQ: Xamse Cabdi Ibrahim

    Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer lama saxayo goorta si rasmi ah loo ballaysimay. Haseyeeshee taariikhyahannadu waxa ay sheegaan goor qiyaas ahaan ku began 1880-kii in magaaladu ay ahayd waabo yar yar, dhawr ceelnna ku yaalleen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer lama saxayo goorta si rasmi ah loo ballaysimay. Haseyeeshee taariikhyahannadu waxa ay sheegaan goor qiyaas ahaan ku began 1880-kii in magaaladu ay ahayd waabo yar yar, dhawr ceelnna ku yaalleen.

Berigaa waxaa la odhan jiray Ceel-gooni. Beri dhexe oo ay yar waynaatay, haddana waxaa looyiqiin Burco-Gubad. 1910-kii ayaa loo bixiyay Burco, waa marka ay magaalowday ee xaryaha Dawladdana intooda badan la furay. Ammintaa hay’adaha magaalada laga aasaasay waxa ugu muhiimsanaa: Boosta, xeradii ciidanka ee killaha loo yiqiin, saldhigga booliska iyo Masaajidyo mawlacyo u badnnaa oo markii danbe la bineeyay.Burco marka aad maqasho waxa maankaaga kusoo dhacaya dareenno is huwan. Burco waxa ay weligeed caan ku ahayd hidde gobonnimo oo sooyaalkeeda ku taxanaa muddo dheer. Malaha denbi iga raaci maayo haddaan ku idhaahdo dalkii Soomaaliya la isku odhan jiray haldoorkii iyo halyeeyadii ugu cad caddaa waxa ay ahaayeen reer Burco. Sidaa markaan u hadllayo waxaa maankaagu sawirayaa kaalinta ay reer Burco ku lahaayeen laamaha nolosha. Xaq u dirirkii, wadaadadii, suugaanyahanndii dhaqanka, hobolladii luuqda, qalanbaawiyadii balweyn jiray, hablihii horyaalka quruxda qaaday, majaajillaystayaashii, Mutacallimiintii iyo dhammaan madhaafaankii Soomaali anfacay waxay ahaayeen reer Burco. Haddaan ku bilawnno Gumaysigii iyo saancaddoolihii soo duulay reer Burco weji gabax ayuu kala kulamay waana halkii lagu khaarajiyay Faranjigii Giib. Sida oo kale waxaa meel aan Burco ka fogayn oo la yidhaahdo Dulmadoobe lagu qudh gooyay gaalkii waynaa ee Koofil, taariikhdu markii ay ahayd Ogos 1913-kii. Waa marka uu Sayid Maxammed Cabdalle xasan marinayo gabaygii taariikhda galay ee lahaa:

Adaa Koofiloow jiitayoo Dunida joogayne
Adigaa jidkii lagugu wadi jimic la’aaneede
Jahannama la geeyoow, Haddaad aakhiro u jihato.


Burco sidoo kale waa xarun diineed qayb libaax leh ka qaadata fidinta iyo dhawridda diinteenna suubban.


Helyeeyadii naf hurka gumaysiga kala hortegay waxa aynu ka xusi karnnaa Sh.Bashiir X.Yuusuf X.Xasan, Faarax Oomaar iyo qaar kale. Sidoo kale Burco waxaa ka dhashay aqoonyahankii waagaas Soomaali ugu cad-caddaa oo iyana soo qaadan karnno Maykal Maryama Iyo Dubbe Cali yare. Weli xagga aqoonta ayaynu ka miisaynnaaye waxa aan la illaabi Karin horseedkii iftiinka maanta inoo bidhiiqaya Muuse X. Ismaaciil Galaal oo ka mid ahaa hindisayaashii afka soomaaliga. Waxaan marnnaba la illaawin Karin Aabbihii tacliinta Soomaaliyeed Maxamuud Axmed Cali. Dhammaan hanaddadaasi waxa ay ahaayeen reer Burco. Xagga suugaanta iyo ku talax tagga dhaqanka Burco waxa ay ka mid tahay degmooyinka loo daba fadhiista Maansada Soomaalida. Waxa aynu iyana u yeedhi karnnaa:


Foolaadkii iyo bud-dhiga yaashii suugaanta soomaalida Aadan Yuusuf Axmed(Aadan Carab), Gammuute, Yawle, Ina Nuur Fadal, Gabaya xaddi, Faarax laanjeer,Cabdillaahi Muuse, Abokor Cawad, Salaan Carrabay, Dirir Warsame, Cali Xuseen. Kuwaasi oo dhammaantood ka mid ahaa jawharta suugaanta Soomaaliyeed, welina maansadoodii ay nooshahay oo ay ilaa maantadaa dhegeheenna kasii dayaamayso. Xagga qaraamiga saddexda nooc ee loogu luuqeeyo raaxeeyaha mid kamid ahayaa loogu magac daray ‘Raaxeeyaha Burcaawiga’ ah. Islla markan waxaa maankeenna kusoo dhacaya Cumar Dhuulle Cali oo ma hadho yaab leh kaga tegay guud ahaan fanka soomaalida ayaa xaruntiisu ahayd Burco, ku dhashay kuna barbaaray.
Burco sidoo kale waa xarun xuddun u ah ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka waa qalcaddii ay isku arkeen Ina Fatata’ iyo Humbush-haambush, waa bartii ay iska heleeleen Hurre iyo Cambaro. Waa goobtii Diiriye-Baalbaal loogu boqray boqorka dhaantada, Markii uu u wareegay Galbeedna uu noqday horyaal aan lagaga daba dhufan dhaantada Soomaalida. Weli waxaa Burco ku nool oo ay xarun u tahay guluubada iftiimiya suugaanta Soomaalida oo ugu mudanyahay Maxammed Ibraahin Warsame(Hadraawi). Dhinaca kale Burco waa caasimadda labaad ee Somaliland. Waa halkii lagu qotomiyay Somaliland. Waan idiin sheeko dhaafaye Burco waxa ay kaalin laxaad leh ka qaadatay Halgankii Dib u xoraynta Qaran ee SNM? Hormuudka ka ahayd. Halyeeyadii u jilib dhigay quwadii Siyaad Barre iyana waxa aan ka xusi karnnaa Muj: lixle, Maxammed-Cali, Ha illiqin, X.Aadan Saleebaan iyo qaar kale. Dhinaca kale tan iyo markii Somaliland dhidibada loo taagay madaxdii soo martay mid mooyee inta kale waxay ahaayeen reer Burco. Halkan waxa aynu ka qaadan karnnaa in Burco tahay: ‘Hoyga Hanadka iyo Halyeyga’.


Nolosha Soomaalidu wax ay si weyn ugu xidhantahay Xoolaha nool, waxaa Burco ku taalla sayladda ugu weyn dhulka soomaalida. Sidoo kale Burco waqti xaadirkan waxaa ku yaalla wershado tiro badan, kuwaas oo wax soosaarkoodu u badan yahay biyaha. Ka ganacsiga biyuhu waa wax wanaagsan hase yeeshee qaabka reer Burco ugu dabar go’een maaha dhaqan wanaagsan. Waxa ay ahayd in wershadaha la kala duwo oo qaarba wax soosaaraan. Waayo? Baahideennu way ka wayntahay biyo la sifeeyo. Burco dadka kunool waxa lagu qiyaasaa 400,000. Dadka tiradaas le’egi malaha qorshe nololeed oo gaadhsiisan heer ummadnnimo caadi ah. Ma laha ilbaxnimo iyo aqoon ay kula soo baxaan nolol tayo leh. Ma jirto cid ka fekerta aayahooda. Dawladnimada waxa ay dareemaan maalinta hebello la dooranayo, hebelladuna waa kuwa la eeday. Hebelladaasi ma soo bandhigaan qorshe siyaasadee oo ay ummadooda ku hagaan. Marka ay muraad leeyihiin ayay tolla’ay kulasoo dhex dhacaan ummad tabaalo u dhantahay oo darayaysan. Marka ay hawshooda qabsadaanna halkii ay ka yimaadeen ayay ku noqdaan. Marka laga jawaabi waayo baahida bulshdii dadkaa dooratay waxaa yimaadda khasaaraha aynu aragnay ee qoys qoys inoo saameeyay. Waxa dhaca in maatideennu badaha ku le’daan, waxa dhaca in qaar innaga mid ahi waashaan, waxa dhaca tuugnimo hadhka cad lays boobo, waxa soo baxa qaar noloshaba ka dhaca, waxa dhaca barakac baahsan oo ugu danbaynta burbur bulsheed ku danbeeya. Akhristaha sharafta lahoow ha u qaadan qormadan in aan cid ku xajiimaynayo, bal se waxa aan si guud uga hawaala warramayaa duruufta maanta ina haysta. Magaalada taariikhdaas layaabka leh lahayd iyo maanta halka ay joogtaa way kala hiijo dheeryihiin. Waxa ay u eegtahay meel loogu talo galay in laga koro ama la iska joogjoogo. Dhallinyarada oo ah meelaha bulshooyinka adduunka laga sahamiyo way kala qoqobanyihiin(Ardaa ardaa ayay ukala fadhiyaan) Cid kale oo isu jiiddaana ma jirto... Wejiga ay maanta maagalaadani yeelatay cidda wax ka qabashadeeda loo tuhmi karo waxaa ka mid ah dhawr qaybood oo bulshada ka mid ah, halkanna
aan ku tixi doono

Jaantuska Dawldda:

Dawladda immika wakhtigeedii gabaabsiga ku dhawyahay waxaa waqtigii kaga dhammaaday, kala jiidashada Oday dhaqameedyo ka dhasiigay nolosha. Waxa ay kharash aad u badan ku bixiyeen kuna bixiyaan kala qoqobka bulshada iyaga oo gebi ahaanba illaabay qiyamkii shacabka iyo xilkii ay ummada hayeen. Dadkiina waxa ay u qaybiyeen wax dan shakhsiya ilaashanaya, iyo wax tol ahaan ku taageersan. Iyadoo taasi jirto Burco waxa u dheer in laga hayaamay, oo waxna way tahriibeen waxna xagga caasimadda ayay u yaaceen. Ogoobeey reer Kulmiye intii aanay kursiga hantiyin waxa ay ku taamayeen in ay hay’ada dawladda iyo ururrada Bulshada qaybo ka mid ah Burco u soo rarayaan; si aanay qasab u noqon in adeeg kasta Hargeysa loo doonto.

Kaalinta Culimo Awdiinka:

Diinteenna Islaamku way dhammaystirantahay. Waxay ina bartay sida ifka loogu noolaado iyo sida aakhiro loogu saahi qaato. Haseyeeshee Culimada sabankuna waxay gebi ahaanba meesha ka saareen waanadii iyo wacdigii sidii ifka nolol hagaagsan loogu noolaan lahaa. Badanka dadka way kaga argagixiyaan. Waxaanay illaaween in ay ka hadllaan dhibaatada aan la tiring Karin ee ifka inagu haysta inta aan aakhiraba la gaadhin. Hadda iyagu noloshooda si habsami ah ayay u u wataan oo Machado, Madaariis iyo ganacsiyo kalaba Dalka iyo degmadaba way ku leeyihiin laakiin waxay hilmaamen xilkii bulshadooda ka saarnnaa in ay ku baraarujiyaan nolol samo ku baaqaysa.

Ururrada Bulshada:

Aniga oo aan ka abaal darayn guud ahaan ururrada bulshadu kaalinta ay buuxuyeen dagaalladii sukeeye ka dib, haddana ujeedooyinkii loo aas aasay in yar ayaa buuxisay. Badi waa goobo shaqo oo lagu mushahar qaato. Kama jawaabaan baahida bulshadooda, mana jirto cid la xisaabtanta. Sidaa daraadeed uma fekeraan sidii dadkan iyo dalka u barwaaqoobi lahaayeen keliya waxay u kala hororsadaan mashaariic mana arag cid baadi goobaysa ama hilaadinaysa mustaqbal la jeclaado.


Gebogebo


Taariikhda dahabka ee sare ku qeexnay waxa ka shaqeeyay halyeeyo hal adayg muujiyay,oo naftooda u hibeeyay sidii dadkani dhan walba uga hodmi lahaayeen. si aynu sumacddeennii Burcanimo usoo ceshanno wax aynu u baahannahay in aynu taariikhda beddelnno. Saddexda dhaabadood ee Dawladda, Culimo-awdiinka iyo urrada bulshada oo is-kaashadaa wax badan ayay beddeli karaan. Guud ahaan dalka iyo gaar ahaan Burcana xaq ayay u leeyihiin in ay ku taamaan oo ku tanaadaan nolol samo yaboohinaysa.


WQ: Xamse Abdi Ibrahim

Burco Somaliland

https://www.facebook.com/xamse.a.ali