Gandi public library waa hormoodka aqoonta dalka WQ: c/kariim sh. maxamuud "suldaanka"

0
Wednesday October 29, 2014 - 19:09:08 in by Super Admin
  • Visits: 1044
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gandi public library waa hormoodka aqoonta dalka WQ: c/kariim sh. maxamuud "suldaanka"

    marka hore waan salaamayaa dhamaan akhristayaasha maqaalkan, waxaan doonayaa maanta inaan maqaalkaygan ku soo qaato arinka iibka gandi library iyo kaalinta uu ku leeyahay kobaca aqoonta dalka gaar magalada hargaysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

marka hore waan salaamayaa dhamaan akhristayaasha maqaalkan, waxaan doonayaa maanta inaan maqaalkaygan ku soo qaato arinka iibka gandi library iyo kaalinta uu ku leeyahay kobaca aqoonta dalka gaar magalada hargaysa.


sida aan la wada socono aqoontu waa mid ka mid ah waxyaabaha lagu gaadho horumrka ay umadaha caalamku isku dhaafeen, waayo wadnba wadanka uu ka horumarsan yahay waxay ku xidhan tahay sida uu uga faa’iidaysto aqoonta iyo maskaxada bulshada ku nool halkaas.

sida oo kale qofba qofka uu ka wax akhris badan yahay waa uu ka waayo aragsan yahay sababtoo ah inta badan ee uu qof wax akhriyaa waxay keenaysaa inuu wax badan ogaado oo uu barto waxyaabo aanuu hore u aqoon.

 


had iyo goor waxaynu warbaahinta ka maqalnaa khabiir ku takhasusay waxaas iyo waxaas ayaanu ka waraysanaya arinta ku saabsan waxaas(dhacdo aya ka waramayaan markaa) waa isaga oo adeegsanayaa aqoontiisa iyo aragtidisa gaaban.

waxa uu magacaas ku qaatayna waa aqoon uu bartay iyo waxbadan oo uu akhriyay.

Haddaba muddo dhexdaasa ayaa dawlada somaliland waxay ku dhawaaqday mashruuca ah la dagaalanka ama yaraynta jahliga iyo aqoon darada iyo in la yareeyo tirada aan waxna akhrin waxna aan qorin ee bulshada reer soomaaliland.

sidaas awgeed gandi public library waxa uu ka mid yahay meelaha bulshada isugu timaado ee lagu yarayn karo aqoon darada gaar ahaan dhalinyarada ayaa isugu timaad halkaas si ay u wax ugu akhristaan, wax ugu kala faa’iidaystaan, ugu nakhtiimaan casharadi ay hore u soo barteen, sidoo kale waxay ku samaystaan:group working, group reading and groupdiscussion.taaso ah fursad qaaliya oo lagu yarayn karo waxqoris akhris la’aanta waana hab meesha lagaga saari karo hadalka ah "soomaalidu waa bulsho aan waxna qorin waxna akhrin”

gandi public library subax kasta iyo galab kasta waxa isugu yimaada dhalinyarada dugsiyda, maxadyada iyo jaamacadaha kala duwan ee magaalda hargaysa, iyaga oo halkaas ku samaynaya wax akhris, wax qoris iyo aqoon kala faa’iidaysi dhexdooda ah, waana meel ay kulmaan ardayda ka kala imanaysa xaafadaha kala duwan ee magalada hargaysa,sidokale waa mid abuuri karta is dhexgalka dhalinyaradaas xaafadaha oo is barasho fiican ku dhex marto.

Haddaba waxaan soo jeedinayaa in:

a. in aan la iibin goobtaas uu ku yaalo librarygu loona daayo inuu sii ahaado goob wax lagu akhristo oo aqooneed

b. in lagu sameeyo dayactir dib u dhis balaadhan

c. in la maalgaliyo oo wasaarada waxbarshadu kafaalo qaado ilaalinta iyo ka warhaynta xaaladiisa goor kasta

d. in ay bushadu u ogaato inuu yahay meel ay iyagu leeyihiin ilaaliyaan, dayactiraan oo hagaajiyaan buugaagta iyo qalabka yaala libraryga goorkasta.

aqoon la’aani waa iftiin la’aan

the more you read, the more you know

so, that read and write more you get more experience, and education





waa qalinkii c/kariim sh. maxamuud "suldaanka”

suldaancabdi4@hotmail.com